Uncategorized

Markii u Horaysay laga hirgaliyay Deegaanka Carrooley oo dhinaca bari ka xigta Magaalada Laascaanood

Laascaanood 10.Dec 2013 (SDN)- Ceel biyoodkii ugu horreeyay ayaa laga hirgeliyay tuulada Carrooley oo 100 km dhinaca bari ka xigta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Hayad laga leeyahay dalka Norway oo lagu magacaabo Gargaarka Dadweynaha Norway (NPA) ayaa maalgelisay hirgelinta ceel-biyoodka laga qoday tuulada, kaas oo qodistiisa ay socotay muddo afar bilood ah, sida uu sheegay Maxamed Cabdullaahi Faarax (Cag-ma-dhige) oo madax u ah hay’ad maxalli ah oo deegaanka ka howlgasha.

Shugri Xasan oo ah madaxa hay’adda NPA ee gobolka Sool ayaa uga mahadcelisay dadka tuulada sida ay ula shaqeeyeen hay’adda muddadii dhismaha uu socday.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyay hay’adda hirgelinta ceelka.

Laascaanood SDN.