Uncategorized

Xulka Gobolka Daad Madheedh oo 2 Gool iyo Hal ugu Awood Sheegtay Xulka Gobolka Saaxil

Hargaysa 04.June (SDN) Ciyaar aad u adag ayay fooda isku dareen Xulalka Gobolada Saaxil iyo Daad Madheedh taas oo hadaa Si Toos ah uga Socota Garoonka Hargaysa Stadium,Ciyaartan ayaa ku dhamaatay 2 Gool oo ay Guushu ku raacday Xulka Gobolka Daad Madheedh iyo Hal Gool o ay la Yimaadeen Xulka Gobolka Saaxil

Xulka Gobolka Daad Madheedh ayaa Laba Gool iyo Hal ugu Awood Sheegtay Xulka Gobolka Saaxil,halka Xulalka Gobolada Sanaag iyo Salal ay isla dhaafi Waayeen barbar dhac Gool iyo Gool ah.

Labadan Ciyaarood oo ka wada dhacay Garoonka Hargaysa Studium ayaa labada Xul ee Sanaag iyo Salal waxay isla dhaafi waayeen hal gool iyo hal gool amase barbar dhac inkastoo ay labada Xulba la yimaadeen Fursado fiican oo aanay ka faa’iidaysan .

Sidoo kale Xulalka Gobolada Daad Madheedh iyo Saaxil ayaa Ciyaartoodu ahayd mid ay farsamadeedu sarayso taas oo inta badan ku dhisnayd Weerar iyo Weerar Celis,Waxana Xulka Gobolka Saaxil ay la yimaadeen Goolkii u horeeyay ee Ciyaarta hasa yeeshee Wakhti yar kadib ayaa Xulka Gobolka Daad Madheedh ay la Yimaadeen Goolkii barbar dhaca ahaa.

Qaybtii labaad ee Ciyaarta oo Xul kastaa la tashi la soo sameeyay tababarayaashooda waxay labada Xulba la yimaadeen Fursado Qurux badan,oo aan la dhamaystirin.

Xulka Gobolka Daad Madheedh ayaa aakhirkii la yimid Goolkii ay Guushu ku raacday Ciyaartuna ku soo gebo gebowday.

Waa Markii Kowaad ee Xulka Gobolka Daad Madheedh ay ka qayb galaan Tartanka Gobolada Somaliland,Waxaa kale oo Sannadkan ay Kow u tahay inay Ka qayb galaan Tartankan Xulalka Saraar,Badhan,Buuhoodle,Salal,

Maalinta Beri Waxaa dhici doonta Laba Ciyaarood oo dhex mari doonta Xulalka Gobolada Sool iyo Awdal , iyo Gebilay iyo Togdheer.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com