|

Tageero kal iyo laab ah shirka Daallo By Xildhiban Qabile

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

SALALAAHU CALAA SAYIDINAA MUXAMED WA CALAA AALI SAYIDANAA MUXAMED.

KU: SALAADIINTA,CUQAASHA,GUURTIDA,SIYAASIYIINTA,WAXGARADKA, & GUUD AHAAN ERGOOYINKA KA KALA YIMID GUDAHA DALKA & DAAFAHA DUNIDA EE KU SUGAN MADASHA DAALO EE GOBOLKA SANAAG, CEERIGAABO.

UIEEDO: TAAGEERO KAL & LAAB AH Abtiyaal & awoowayaal;
Mauka hore waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka, ASALAAMU
CALAYKUM WA RAXMATULLAAHI WA BARAKAATUH, Salaan ka dib waxaan u mahad naqayaa ALLAAH SWT Idimku Ilhaamiyay inaad qabataan shirka beelaha Habaryoonis, xili munaasib ah oo ku haboon gaar ahaan beeshu ay kaga tashanayso danaheeda,dhaqnkeeda,& aayaheeda, guud ahaana waxtar u ah Ummada Soomaaliland.

Anniga oo ku hadlaya magacayga, magaca taageerayaashayda, waxaan
halkan idiinku soo gudbinayaa taageero mug leh oo ay ku dheehantahay
kalgacal, & wada dhalasho kaas oo ahaa mid waajib nagu ah oo aynu hide
u lahayn.

Waxaan hambalyo & bogaadin aan la soo koobi karaynin halkan ugu soo
dirayaa, Salaadiinta, Chief Caaqilada,cuqaasha, guurtida,
Xildhibaanada, Siyaasiyiinta,Qurba jooga, Aqoonyahanka, waxgaradka,
Culimaa’udiinka,Haweenka,Dhalinyarada & guud ahaan Ergooyinka Beelha
Havaryoonis ee ku sugan madasha DAALO ee Ceerigaabo Gobolka Sanaag, si
gaara waxaan mahad balaadhan ugu soo dirayaa gudigii qabanqaabada
Shirka ee u dhabar aaygtay duruufihii qalafsanaa, suurta galiyayna,
in baaqiii shirka Beelaha Habaryoonis ee ku taariikhaysnaa in uu
qabsoomo 29th Jun 2012 uu noqdo biyo kama dhibcaan, kuna qabsoomo jawi
nabadgelyo, hanaankii shirkuna ku furmo sidii loogu talo galay,

waxa kaloo xusid mudan door lama ilaawaanana ka qaatay suurto gelinta
madashan qaayaha badan isla markaana marti geliyay madalweynta Beelaha
Habaryoonis, Beelaha Habaryoonis ee reer Ceerigaabo isla markaana
lahaa soo jeedinta shirka maanta beeshu isugu timid, waxaan sidoo kale
u mahad Celinayaa cid kasta oo waxtar & Taageero ka gaysatay meel
marinta & qabsoomida shirka gudaha & dibadaba meel kastoo ay joogaan,
waxaan EEBE Idiinka rajaynayaa in uu Guul & Gobanimo ku dhamaado.
Waxaan shirkan ku tilmaami karaa guul u soo hoyatay guud ahaan
Bulshada Reer Soomaaliland lagana rajaynayo Go’aano wax ku ool ah oo
anfaca dhamaan ummada Reer Soomaaliland oo il mug leh lagu eegayo inay
madashaa sharafta leh ee qiimaha badan ka soo baxdo talo la
weecaansado.

Abtiyaal. Awoowayaal. Waxaan taageeradan ku soo gabagabynayaa tix maamuuseedan:

1. Abtinimadu waa beel ku xidhan Bedenka Feedhaha
2 Badkana kama Hinqado Ruux Haduu Boogo Leeyahay
3 Anniga Boqoradiibaa I Dhalay Baho Ismaaciil
4 Waa Biliga Habaryoonistaa Baaxada Lahayd
5. Buruudkooda lama karo hadii Laysu Baab Dayo
6 Waa Baroosimada lagu Fadhiyo Beesha Nabada ah
7. Idaraysna Waa Baarka Sare Beertii Duco Yeel
8. Cabdalahan Balaadheey Talada Buuga u Hayaan
9. Baalbaa Ka Taagnaa Tan & Beri Wixii Yiil
10. Laba Muusahaa Bari Degaa Waa Bad & Webi
11. Barta Adag Markeey Taagantee Laysu Bixi Waayo
12. Badheedhkooda Sacad Yoonis baan Baaq U dirayaa
13. Nuurkan Baahey Waa Cali Siciid Baawerka Is Qoray
14. Isaxaaqna Baashey Jiraan Waa Rag Buuro ah
15. Boqortooyadaa Ciidagale Waa Barkimadii
16. Balooley Hadii Loo Baxoo Beeray La Ciyaaro
17. Ninka anniga igu Beegmayaa Ha Iska Soo Baxo
18. Bidhaan Kalena Waa Aragtidiyo Bixitinkiinii
19. Waa nagu Banaantiin Sidaad Wax U Bislayseen
20. Burjina Waa U leediin Talada Xaajo Loo Bogo
21. Birmagaydo Waa u wada Tihiin Baylahaa Jira
22. Bariisadaba Waa Lagu neg Yahay Budulkaad Jeexdaan
23. Buugagii Suldaan Diiriyaad Boodh ka Tumaysaane
24. Qodobada Bardaanka u Lingaxa Baydhna Yuu Lumine
25. Baxsan Hooyaday Faadumo & Boqol Dhigeedii ahi
26. Barbaar Qiimolaa noo dhasheen Biixi aan Jabine
27. Hilaaac Bilig Yidhoo Durugsanaa Looma Beerraqo e
28. Badbaadiyo sidii roon RABOOW Waan Baryootamaye.
29. Basiiradana noo dhoowr adaa Bixiya Qaybaaye.

Guul & Gobanimo
WA BILLAAHI TAWFIIQ.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
Hargeysa

Comments are closed