|

Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha oo Shaqaalaha ku hambalyeeyay 1-da May

Hargeysa, 30 April 2012 (SDN)- Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Dawladda Somaliland Nuux Sh. Muuse Ducaale ayaa ku hambalyeeyay shaqaale waynaha dalka 1-da May oo ku beegan maalinta, isla markaana ah maalinta shaqaalaha adduunka.

Guddoomiyaha oo soo saaray qoraal kooban ayaa sheegay inuu hambalyo u dirayo shaqaale waynaha Somaliland maalinta shaqaalaha adduunka awgeed, waxaanu u rajeeyay in Illaahay sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.

1-da May oo loo asteeyay maalinta shaqaalaha adduunka ayaa dhamaan caalamka waxa maalintaas la fasaxayaa shaqaalaha qabta hawlaha iyo adeegyada kala duwan.

SDN, Hargeisa

Comments are closed