|

Wasiir Duur oo qiray inay qalad ahayd falkii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Shirka KULMIYE lagaga saaray

Hargeysa, 30 April 2012 (SDN)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa qiray  inay qalad ahayd qaabkii ay ciidamada ammaanku ula dhaqmeen Cabdiraxmaan Cabdiqaadir xilligii Shirka KULMIYE.

Wasiirka oo maanta ka hadlayay barnaamijka maqal dadkaa ee Telefishanka Qaranka oo wax laga waydiiyay qaabkii ay ciidamada ammaanka iyo masuuliyiinta KULMIYE ula dhaqmeen Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, isla markaana uu ku damqaday nabar hore uga soo gaadhay dhabarka waxa uu wasiirku sheegay inay ku qaldameen Xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba inay hadalka u diidaan Guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo xilligaa xooga lagaga saaray shirka dalbaday inuu ka hadlo eedo ay ujeediyeen hogaanka Xisbigu.

Dhinaca kale, waxa uu Duur ku doodday in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir uu isaguna ku qaldamay mucaaradadii uu ku naqdiyay Xukuumadda Siilaanyo, isagoo xusay inay fiicnayd inuu Xisbiga ka baxo oo aanu shirkiisa iman.

SDN, Hargeisa

Comments are closed