|

Guddoomiyaha Kulmiye oo Hambalyeeyay Mayorada loo doortay Hargeysa iyo Ceerigaabo

Hargaysa Dec 23,2012( SDN)-Gudoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Maanta u Waramayay Warbaahintaayaa hambalyo u diray Maayarada iyo Ku xigeenada Magaalooyinka Hargaysa iyo Ceerigaabo ee sida Sharciga ah maanta loo doortay,waxaa kale oo uu Mahadnaq kan la mid ah u diray Guud ahaan Golayaasha Deegaanka ee sida Sharciga ah isu doortay.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay in tabasho kasta oo ka dhalata doorashadii golayaasha deegaanku ay haboon tahay sidii loogu dhamayn lahaa hanaanka isqancinta iyo wada hadalka ay Somaliland ku soo caano maashay,waxaa kale oo uu sheegay inaan la dhaawicin doorashadii sida wanaagsan uga qabsoontay Somaliland .

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlayay Golayaasha Deegaanka ee doortay Hogaankoodii waxa uu sheegay inuu Gole kastaaba xaq u leeyahay inay iska dhex doortaan cida hogaaminaysa,hasa ahaate waxa uu xusay in loo baahan yahay inay raacaan Xeerka doorashada golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada,isagoo intaas ku daray in meesha keliya ee uu hadal ka taagan yahay ay tahay degmada Saylac, waxaana lagu guda jiraa ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye sidii is afgarad loogu soo afjari lahaa is maandhaafka ka dhashay doorashadii Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye mar wax laga waydiiyay hadal haynta xoogan ee ku wajahan in Xisbiga Kulmiye uu ku shubtay Codadkii doorashadii Golayaasha Deegaanka waxa uu ku dooday inay arrintaasi tahay mid aan waxba ka jirin, isagoo intaas ku daray in hadii cid lagaga Shubtay ay  aaminsan yihiin in Xisbiga Kulmiye lagaga Shubtay Codad uu lahaa.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed