Uncategorized

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Bamkii siyaasadeed ee uu kor u hayay ku dhex tuuray Bahda garsoorka

Hargaysa 10.March 2014 (SDN)-Xukuumadda iyo Garsoorka ayaa dhawaan hawada isku mariyey Eedo u muuqday kuwo siyaasadeed oo ka aloosmay xasarado Dhul, kaasoo ay ka gar-naqiisa Maxkamaddaha iyo Wasaaradda Arrimaha guduhu midba gees ka bixinayey awaamiir is-khilaafsan, kuwaas oo u muuqday kuwii ka soo Unkamay Xisbiga Kulmiye, ee usoo gudbay Golaha wakiiladda ee markii ugu danbaysay loo dhiibay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil.

gudoomiyaha Maxkamada SareKhiaalfkaas Siyaasadeed oo loo Caal-waayey ayuu Guddoomiye Yuusuf oo aan ka fiirsanin go’aamo aan meel marin ka soo saaray,  isagoo intii danbena markii Golaha iyo Xukuumaddu ka heshiiyeen khilaafkoodu kor u hayey bamkii Siyaasadeed ee dhagaraysnaa ee loo dhiibay.

Toddobaadkii hore ayuu khilaaf xoogani ka dhex qarxay Maxkamaddaha Hoose iyo Wasiir ku-xigeemka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, kaasoo gaadhay in ay labada dhinac Saxaafada isku weeraraan isagoo midba ka kale ku eedaynayo in uu sharci daro wado isla markaana uu farogalinayo awoodaha hay’adda kale.

Sadexda Guddoomiye ee Maxkamadaha Rafcaanka, Gobolka iyo Degmadda ee Gobolka Hargeysa ayaa mar kaliya Xukuumadda iyo wasiirka ku Eedeeyey faragalin qaawan in ay Garsoorka ku hayaan iyagoo ku hanjabay in ay faraha ka qaadi doonaan shaqada ay qaranka u hayaan haddii aan talaabo laga qaadin faragalinta ay Garsoorka ku hayaan.

Wasiir ku-xigeenka Amniga ayaa dhiniciisa ka soo foqay Eedo koobsaday Bahda Garsoorka iyo Cadaaladda oo dhan, waxaanu soo bandhigay Kiisad ka badan afar boqol oo Fulin ah kuwaas oo uu Maxkamadaha ku Eedeeyey in ay Cadaalad daro ku gaadheen isla markaana Xukuumad ahaan aanay u fulinayn qaladaadka ku jira.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda ayaa Eeda khilaafka dusha u saaray Garsoorayaashii weeraray Xukuumadda iyo Wasiir ku-xigeenka, waxaanu xukuumadda ka siiyey raaligelin, isagoo dhinaca kale-na sheegay in Dooda Garsoorayaasha uu u gudbin doono Madaxweynaha.

Illaa hada ma muuqato talaabo labada dhinac qaadeen intaa wixii ka danbaysay, hase yeeshee arrinta walaaca leh ee shacabka qudh-gooyada ku ahi waxay tahay danbiga ay Xukuumadda iyo Bahda Garsoorka iyo Cadaaladdu ka galeen, taasoo ah in si dhayal ah Guddida Cadaaladdu uga aamusto Cabashada ay Xukuumaddu usoo jeedisay Kiisaska soo maray darajooyinkii Maxkamadaha ee la leeyahay laguma qanci karo fulintooda oo wax aka muuqda cadaalad darro, miyaanay ahayn shaqadii ay u abuurnaayeen ee ahayd kiisaska lagu cawdo in ay dib u eegaan isla markaana talaabo laga qaado Garsoorayaasha ku kacay haddii ay cadaato in qaladka la sheegayaa ku jiro.

Ta kale, Xukuumadda Somaliland ee hadh iyo Habeen ku Cel celisa Cadaaladdi waanu saxnay miyaanay ahayn marka ay arkayso intaas oo Kiis oo Camaalaq ah oo jira oo waliba gacanteeda ku jira in ay Bulshada u naxdo oo ay aka dayso faanka bilaashka ah isla markaana ay wax u qabato dadka cadaaladda lafteedii lagu dulmayo ee kharashka iyo wakhtigu kaga baxay Dacwadaha ay soo gaadhsiyeen illaa Heer Fulineed.

Garsoorka iyo Xukuumadduba waxay muujiyeen cawro la dadi jiray maadaama Xumaan kasta oo uu garsoorka iyo Xukuumadduba ay leeyihiin hadana dadku ku qanacsanaayeen in ay hoos dugsadaan isla markaana ka dhur-sugayeen in waayuhu mar uun sixi doono, waxaanay Quus galiyeen dad badan oo Dacwado kaga jireen Maxkamadaha ama uba diyaar ahaa inay gaystaan.

Si kasta ha ahaatee, dhawaaqii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu ku dhex qarxay waaxda Garsoorka, halka ay Xukuumadda iyo Golaha wakiiladdu Bamkii xambaarsanaa Khilaafkii siyaasadeed ee ka soo curtay Xisbiga Kulmiye ay isku dhaafiyeen Maxkamadda Sare, taasoo uu Guddoomiyuhu kor u hayey.

Xigasho Wargayska Waaheen

Hargaysa SDN.