Uncategorized

Guurtida Oo Xukumadda Ugu Baaqay Inay Fuliso Go’aamada Garsoorka Ka Soo Baxa Ee Dadka Falalka Dilalka Ah Ku Xukuman

Hargaysa 10.March 2014 (SDN)- Gudoomiye ku xigeenka guddida joogtada golaha Guurtida, Muuse Xaaji Cabdi Ducaale ayaa Xukumadda Madaxweyne Siraanyo ugu baaqay inay fuliso Xukunadda ka soo baxa Waaxda Garsoorka, si Cadaaladda loo helo. Waxa uu sheegay in Caddaaladdu qayb laxaad leh ka qaadato Amaanka Dalka.Xildhibaanka oo kulan Guddida joogtada ahi yeelatay ka dib waraysi siiyey Wargeyska Haatuf waxa uu sheegay in mudada Goluhu fasaxa yahay ay ka shaqayn doonaan arimaha amaanka.

Gudida Joogtada ah ee Guurtida“Waxaanu halkan baaq ka kooban saddex qodob uga diraynaa shacbiga Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa inay nabadgalyada dalka ilaanteeda meel uga soo wada jeestaan, isla markaana ay ka feejignaadaan fal kasta oo wada jirkooda iyo amaanka dalka halis galin kara.

Qodobka labaad, xukuumada Somaliland waxaanu leenahay shacbigu xilkii ay idiin doorteen idinkoo wax badan ka qabtay dhinaca dhinaca horumarka hadana waxaa jirta in nabadgalyadu ay ku dhisan tahay marka ay cadaaladu sugan tahay, isla markaana sidooda loo fuliyo xukunada ay ka soo saaraan hay’adaha garsoorku, taas oo dhibaato keeni karta hadaan la fulin xukunada kiisaska dilalka ah ay ka gaadhaan maxkamadaha.

Sidaa darted waxaanu ku baraarujinaynaa xukuumadu inay fuliso xukunada ka soo baxa hay’adaha garsoorka, si degdeg ahna loo dedajiyo fulinta kiisaska dadka ku eedaysan falalka dilalka ee xabsiyada ku jira.

Qodobka saddexaad, madaxdhaqameedyada iyo salaadiinta dalka waxaanu ugu baaqaynaa hawlihii dhaqan ee ay deegaanada miyiga kaalintoodii inay buuxiyaan, hase yeeshee waxay qabyo ka jirtaa sidii bulshada magaalooyinka ku dhaqan aydin isku dhex galin lahaydeen.” Ayuu yidhi Gudoomiye Xigeenka Gudida joogtada Guurtida.

Waaxda Garsoorka Somaliland ayaa dhawaan Walaac ka muujisay Faro galin Qaawan oo Xukumaddu ku hayso. Xukumadda ayaa sidoo kale sheegtay in Kiisas badan oo Garsoorka ka soo baxay u fuli laayahay Cabashooyin ku salaysan Go’aamo aan caddaalad ahayn.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com