Uncategorized

Guddoomiyaha Muqdisho Oo Caydhiyey 60-Kamid ah Shaqaalihiisa

Muqdisho:June,23,2015(SDN/QJ)-Sida ku cad wareegto kasoo baxday xafiiska Duqa Caasimadda Muqdisho Xasan Xuseen Muungaab, waxa shaqadii ay hayeen laga caydhiyey 60-kamid ahaa shaqaalaha Gobolka Banaadir.

MuungaabShaqaalaha la casilay ayaa isugu jira 10 Agaasimeyaal iyo Taliyayaal Ciidan, iyadoo ay sidoo kale ku jiraan shaqaale hoosaad  aan wax awood ah lahayn.

Ujeedka Ruqsadda 60-ka Shaqaale ayaa Lagu Sheegay Shaqaale Dhimis Guud, lama faafhaafin wax eedo ah oo shaqaalahaas lagu caydhiyey.

Muqdisho, ayaa si weyn looga Hadal hayaa shaqaalaha la caydhiyey, iyadoo ay kusoo beegmeen xilli lagu jiro Bishii barakaysnayd ee Ramadaan, isla-markaana baahida dadku aad u badan tahay.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com