Uncategorized

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UCID oo soo dhaweeyay hadalkii Madaxweyne Siilaanyo ee ku wajahnaa Shidaal Baarista

Hargeysa Sept 19,2013(SDN)-Guddoomiyaha Sadexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujj Cali Gurey ayaa soo dhaweeyay qorshe cusub oo uu madaxweyne Axmed Siilaanyo soo bandhigay oo lagu maareynayo kheyraadka dalka.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo yaa mar uu safar ku marayay gobolada Bariga dalka waxa uu ku khudbadeeyay in wax laga bedelayo sida loo maareeyo shidaal baarida dalka.

“Arintii Mashruuca Sahanka Shidaalka madaxwanuhu mar uu Buco ka hadlayay wuxu cadeeyay in aanu arinku sidii hore ahaan doonin qaladaadkii hore oo dhan na la saxayo. Hadalkaasi waa mid yididiilo leh hadii uu sidaa yeelo na waxay noqonaysaa sixitaan oo ah talaabo uu Madaxwaynuhu u qaaday dhinicii saxa ahaa oo u qalanta in lagu hambalyeeyo”ayuu yiri Mujj Cali Gurey

Cali Gurey ayaa hore waxa uu uga mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga biyo diidsanaa sida loo maareeyay hawlaha shidaal baarista ee dalka ka socota.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com