London Sept 19,2013(SDN)-Xukuumada Somaliland ay shaacisay in shirkada Genel ay hawshii shidaal baarida dib u bilaabeyso dhawaan sida uu sheegay wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland.
“Genel Somaliland kama aaney bixin ee waxa inoo socda wadahadalo ku loo bahanaa in aanu yeelano intaaney hawshu sii socon”ayuu yiri wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.
Waxaase soo baxaya in dawlada Somalilaya ay ku khasabtay shirkada Genel in ay joojiso hawlaha shidaal baarista Somaliland bacdamaa aaney ogolaasho ka heysan shirkadu ogoloosho dawlada Muqdisho.
Afhayeen u hadlay shirkada Genel ayaase sheegay in ay hawlihii ay ka wadeen Somaliland ay u joojiyeen arrimo la xiriira colaado ka soo cusboonaaday geeska Africa.
Si kastaba ha ahaatee waxa aan ilaa hada cadeyn sababha dhabta ah ee ay shirkada Genel u joojisay hawlihii shidaal baarida ee ay ka waday Somaliland.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com
