|

Guddoomiye Saleebaan ma isu hortaagi karaa muddo kordhinta Siilaanyo siduu isu hortaagay tii Rayaale 2009 ? Baashe Cabdi Gaboobe

01.May 2015 (SDN/QJ)- Waxa dhacday waqtigii Komishankii labaad ee Somaaliland ee uu guddoomiyaha mar ka ahaa Jaamac Maxamed Cige (jaamac Sweden), marna Max’d Ismaaciil kabaweyne ka ahaa, in muddo xileedkii madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkisii Axmad Y. Yaasiin dhawr goor loo kordhiyay  .

BAASHE CABDI GABOOBE6 September ayey guddigi doorashadu Iclaamisey inaaney suurtagal ahayn in doorasho dhacdo 27 September 2009. xukuumadda Rayaale waxay ka codsatey guurtida muddo kordhin sannad ah ,Xisbiga kulmiyena wuxu bilaabay muddaharaado balaadhan ,waxaanu wacad ku maray in aanuu marnaba aqbalayn muddo kordhin dambe.Waxaanu soo jeediyay in la dhiso dawlad wadaag ama dawlad ku meel gaadh ah( care taker government)oo u hoggaaminayo  guddoomiyiha guurtida iyo guddoomiyaha wakiilada oo wadanka  gaadhsiisa doorasho xor oo xalaal ah. Maalin khamiis ah aya la bilaabay doodii muddo kordhinta ,waxaanay aqlabiyaddu codsatay in jimcaha la isugu soo noqdo si loo ansixiyo muddo kordhinta,laakiin guddoomiye Salebaan isagoo adeegsanaya awoodiisa guddoomiyenimo ayuu ganafka ku dhuftay oo yidhi waa in  jimcaha la shaqeeyo ,muddada doodu socotayna dawladaha saaxiibka la ah Somaliland sida ingriiska,Ethopia,Norwey iyo Mareykan iyagoo ka walaacsan khasaaraha iyo khataraha ka iman kara, isku dhac dhex mara labada xisbi mucaarid iyo xukuumadda Rayaale waxay codsanaayeen in ay dhex dhexaadiyaan seddexda xisbi iyo xukuumadda .Taaso maalinti sabtida ay xukuumadda Rayaale ka joojisay guurtida in muddo kordhin ay sameeyaan ,aqbashayna dhex dhexaadinta beesha caalamka.

Waxa ka soo baxay  heshiis lix qodob ahaa :

1-Muddo xileedka madaxweynaha iyo ku xigeenkisa waxa la tix raacay qodobka afraad (4)iyo 5

2-Waxa la magacaabaya guddi doorasho oo cusub

3-Waxa dib loo saxayaa magacyadii la diiwaangeliyey (Refine the voter  registration list)

4-Seddexda xisbi waxay aqbaleen iney commissionka Caawiyaan khubaro Caalami ah si loo saxo magacyada iyo samaynta jadwalki doorashada ,lana cayimo maalinta doorashada.

5-In muddo xileedka madaxweynaha iyo ku xigeenkisu noqdo bil laga bilaabo maalinta doorashada loo cayimo .

6- In beesha caalamku garab taagnaato S/L iyo seddexda xisbi si ay u qabsoonto  doorasho xor oo xalaal ahi.

Alla mahad leh,

Eng.Bashe C.Gaboobe

Comments are closed