|

Madaxweyne Siilaanyo oo xilka ka qaaday Maareeyihii Telefishanka Qaranka, masuul cusubna magacaabay, maxay tahay sababtu?

Hargeysa April, 30, 2015 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Telefishanka Qaranka Mr. Khadar Xasan Cali Gaas, iyadoo uu Maareeye cusubna u magacaabay xilkaas.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed goordhawayd kasoo baxay Madaxtooyada, uuna ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, Madaxweynuhu waxa Maareeyaha cusub ee SLNTV oo afka dawladda ku hadla uu u magacaabay Cabdi Cali Mahdi.
Sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada, waxa Maareeyaha xilka laga qaaday loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee xidhiidhka warbaahinta, kaasoo ah xil cusub oo la soo kordhiyay.
Wareegtada waxa loo dhigay qaab lagaga xaal-mastuurtay xil-ka-qaadista Maareeyihii hore, iyadoo loo dhigay qaab bedelaad ah, inkastoo xilka loo dhiibay uu yahay mid aan hore u jirin.
Hase yeeshee, arrintani waxay timi iyadoo khilaafaad in muddo ah u dhexeeyay Mr. Gaas iyo madaxda Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana Maareeyaha shaqada laga bedelay uu maanta ku guuldaraystay inuu xabsiga dhigo weriye Abiib Iimaan Xasan oo uu waaran qabasho ah usoo gooyay, kadib markii uu diiday inuu u hoggaansamo amar uu shaqadii uu hayay ee madaxa wararka Telefishanka Qaranka kaga fadhiisiyay, taasoo keentay in hawlwadeenada Telefishanku mudaharaad kaga hor yimaadaan go’aanka Maareeyahaa hore.
Warsaxaafadeedka Madaxtooyada oo dhammaystirani, wuxuu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3252/042015 uu ku magacaabay Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka, isaga oo maareeyihii horena u bedelay, una magacaabay Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Soo jeedimihii iyo talooyinkii mas’uuliyiinta kala duwan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdi Cali Mahdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Madaxa Bannaan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Bedelka Maareeyihii hore iyo magacaabistiisa.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Khadar Xasan Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xidhiidhka Warbaahinta.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed