|

Iskaashatooyinka Basaska ee Hargaysa oo daboolka ka qaaday inay Kordhinayaan Qiimaha Basaska lagu raaco,Xukuumadana baaq u diray

Hargaysa 28.Feb (SDN)   Iskaashatooyinka   Basaska  Ka howl gala caasimada Hargeysa ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ay qabteen Hargaysa Waxay kaga hadleen kor u kaca  qiimaha shidaalka  iyo saamaynta uu ku yeeshay gaadiidka Basaska   u kala goosha  degmooyinka iyo xaafadaha  magaalada, kaasi oo ay sheegeen in haddii uu sidaa ku sii socdo  kor u kaca shidaalku uu ku khasbayo inay kordhiyaan qiimaha  Basaska lagu raaco.

Shirkan  jaraa’id oo ay wada jiru qabteen Gudoomiyayaasha saddexda iskaashato ee Basaska, waxa ugu horayn halkaa kahadlay Gudoomiyaha  Iskaashatada  Basaska  waaweyn   Xuseen Axmed Maxamed Waxaanuu sheegay in uu saamayn weyn ku yeeshay  kor u kaca qiimaha shidaalku  Gaadiidka iyo  darawaliuita wadaba, waxaanuu xusay in  halka uu hadda marayo qiimaha shidaalku   uu kelifayo in qiimihii  Basaska lagu raacayey  in la kordhiyo.

Gudoomiyayaasha   Ururada Basaska yar-yar ee Dal-mar iyo Maroodi Jeex  sh.C/raxmaan  Maxamed cali  iyo Axmed Ismaaciil Jaamac, oo iyana shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in  qiimaha shidaalka eek or u kacay uu saamayn xoog leh ku yeelanayo  gaadiidlayda iyo dadweynaha ay u adeegayaanba.

Waxaanay Intaa raaciyeen in hadii aan qiimuhu halka uu haatan gaadhay  aanay wax iska bedelin in ay  kelifayso in qiimihii lagu raacayey  ay kordhin doonaan , kuna dari doonaan shan boqol oo shilin. Waxaanay  Xukuumadda u soo jeediyeen in  si deg deg ah wax looga qabto kor u kaca shidaalka , kaasi oo ay tilmaameen in qiimaha shidaalku maalinba maalinta ka danbaysa uu  sii kordhayo.

Geesta kalena Bulshada ku dhaqan Caasimada Hargaysa ayaa ka Warwarsan Korodhka ay Iclaamiyeen Iskaashatada Basaska  ee isaga kala dhex goosha Xaafadaha kala duwan ee Caasimadani ka kooban tahay ,Tusaale ahaan  basaska taga Xaafadaha Saylada,Calaamadaha, Idaacada, Xero awr,Jig Jiga Yar,Biibsiga,iyo Degsiimooyin kale ayaa Qofku ku raacaa Kun iyo Shan Boqol oo Shilin,taas oo ka dhigaysa marka la eego dhawaqa Iskaashatada Basaska in Laba Kun oo Shilling ay qaadi doonaan,Halka Geesta kalena basaska yar yar ee Taga Xaafadaha Octobar,Cabdi Iidan , Sh.Muuse Ducaale laga qaado Kun Shiling isla markaana uu Qiimaha Cusubi ka dhigi doono Kun Iyo Shan Boqol.

Hargaysa SDN.

Comments are closed