Uncategorized

Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia oo Kulan la Qaayau Danjiraha Ingiriiska iyo Sweden u Fadhiya Somalia

Muqdisho 16.Jan 2014 (SDN)- Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay danjireyaasha dalalka Sweden iyo Britain u fadhiya Soomaaliya.

Jawaari-iyo-Wigan-300x225Guddoomiye Jawaari oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in ay danjireyaasha ka wada hadleen doorka dalalka deeqda bixiya ee qorshe howleedka baarlammaanka ee sanadka 2014-ka.

Wuxuu kaloo sheegay in ay ka wada hadleen sidii dalalka Sweden iyo Britain ay uga qeyb-qaadan lahaayeen arrimaha dib u dhiska, horumarinta, nabadgelyada, hirgelinta federaalka iyo baarlamaanka dalka oo gacan la gasiiyo sidii uu howlihiisa u gaarsiin lahaa halkii loogu talagalay 4-ta sanadood ee uu shaqaynayo.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha baarlammaanka ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka, Mudane Jeylaani Nuur Iikar.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com