Burco 16.Jan 2014 (SDN)- Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee degmada Burco ayaa gacanta ku dhigtay dad lagu eedaynayo inay ka ganacsadaan dhirta la soo jaro iyo 130 kiish oo ay ku jiraan dhir la soo jaray.
Isku duwaha wasaaradda ee degmada Burco, Cabdullaahi Xuseen Jaamac oo warbaahinta kula hadlay goob lagu soo bandhigay dhirta la jaray ee la soo qabtay ayaa sheegay in dadkii lagu qabtay la hor gayn doono sharciga,Waxaanu Sheegay in Dhuxushan dusha lagaga soo dahaadhay Qaybo ka Mid ah Fooxa Si loogu Muujiyo in aanay Dhuxul ahayn.
Wuxuu walaac ka muujiyey in ay tallaabadani tahay nooc cusub oo xaalufin ah, taas oo geedka oo taagan la soo diirayo, iyadoo lagu iib gaynayo foox ama beeyo.
Isku duwaha ayaa arrinta ku eedeeyey ganacsatada qaadka oo uu ugu baaqay inay ka waantoobaan falalka noocaas ah, haddii kale ay la kulmi doonaan ciqaab adag.
Mas’uulka ayaa ugu baaqay dadweynaha gobolka inay gacan ka geystaan badbaadinta deegaanka.
Burco SDN.
Qurbejoog.com
