|

Kulan lagu Gorfaynayay Kaalinta ay Golaha Guurtidu kaga Jiraan Somaliland oo lagu qabtay Hargaysa

Hargaysa 28.Feb (SDN)    Kulan hal maalin ah soconaya oo lagaga hadlayo doorka Golaha Guurtidu ugu Fadhiyo Qaranka Somaaliland, kana soo qayb galeen Xubno ka tirsan Golaha wakiilada, Golaha Guurtida iyo marti sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay Huteel maansoor ee magaalada Hargeysa.

Furitaankii kulanka waxa ugu horayn ka hadlay Xog-hayaha Golaha Guurtida Mud, Cabdillahi Ibraahim Habanem, waxaanuu si faah-faahsan uga hadlay taariikhda golaha Guurtida iyo maraaxilkii uu Goluhu soo maray tan iyo markii la Aasaasay.waxa kale oo uu sharax ka siiyey ka qayb galayaasha kulanka wax-qabadkii golaha guurtida iyo doorkii ay ka soo qaateen dhidiba u taagiddii qaranka siomaliland.

Xoghayaha Golaha Guurtida waxa uu xusay inay haboon tahay in dadka la baro oo ay fah-maan kaalinta Guurtida, isaga oo ku dheeraaday Ah-miyadda uu Golahani ugu fadhiyo Qaranka iyo waajibaadka uu leeyahay.

Gudoomiyaha I.P.R.T. Axmed Xuseen Ciisa oo isna halkaa ka hadlay, ayaa isna waxa uu tilmaan ka bixiyey doorka iyo kaalinta uu Golaha Guurtidu ka soo qaatay maraaxilkii kala duwanaa ee dalkan S/land soo maray iyo kaalintii ay ku lahaayeen dhidiba u taagii qaranka S/kland. Waxaanuu intaa raaciyey in ay haboon tahay in bulshada la baro sida Golaha Guurtidu muhiim ugu qaranka iyo dedaaladii badnaa ee golahani u soo maray dhismaha dalka Somaliland.

Hargaysa SDN.

 

Comments are closed