|

Maxkamadda Oo Amartay In La Sii Daayo Muniir Axmed Cigaal, Cali Mareexan Oo Ku Gacan Saydhay iyo Taliyaha Saldhiga Dhexe Oo Cadeeyey In Muuse Biixi Amray Xadhiga Sarkaalkan

Hargaysa 03. December 2016 (SDN/QJ):- Maxkamadda gobolka  Maroodi-jeex ayaa amar ku bixisay in xorriyadiisa dib loogu soo celiyo  Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo maalintii saddex saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ugu jira sifo sharci darro ah.

laba-wariyeSiyaasi Muniir Axmed Cigaal oo maanta la horgeeyay Maxkamadda ayaa waxa ay caddaysay in aanu wax danbi ah lahayn.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo guryaynta JSL Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa amar ku bixiyay in aan la sii dayn karin siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ay maxkamaddu wax danbi ah ku weyday isla markaan ay amartay in xorriyadiisa dib loogu soo celiyo.

Taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa ayaa u caddeeyay Xildhibaan Waabeeye, Xildhibaan Cabdiraxmaan Taliyanle iyo Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo ka mid ah cuqaasha waaweyn ee dalka in uu xadhiga Muniir Axmed Cigaal uu amray guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga ee xisbiga KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed