Uncategorized

Maayarka Boorama oo Afkiisa ku Beeniyay hadal uu hore u Shaaciyay oo uu ku sheegay inaan Madasha Wada Tashigu boorama Iman Karin {DAAWO}

Boorama 21.October 2013 (SDN)- Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa saxaafada ku dhaliilay waxa uu ugu yeedhay hadlal qaloocinta, waxana uu si toos ah u sheegay in la qaloociyay hadal uu ku cabiray golaha wada tashiga.

Maayarka oo ugu horayn golha sharaxaya ayaa waxa uu yidhi “Golohu ma aha rag meel kale ka yimid, waa dad reer Somaliland ah oo xushmad qiimayn iyo qadarin ku leh bulshada dhexdeeda, waxana aad moodaa in habka ay u mareen wax toosinta lagu kala duwan yahay, waase la isku raacsan yahay in wax la toosiyo, su’aashuna waxay tahay goluhu waa side, ma gole sharcigu ogol yahay baa, ma gole is xilqaamaybaa iyo arimo kale, taasi ayaa lagu kala aragti duwan yahay. Dalka way jiraan golayaal sharci ah oo kala duwan, golahana meesha ay wax ka qaldan yihiin ee u baahan in lagu noqdo waa halka Magaca”
http://www.youtube.com/watch?v=_q_tGOsKd-0#t=37
Boorama SDN.

Qurbejoog.com