Uncategorized

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo Xog Waran naga siiyay Imtixaanka Shahaadiga ah ee beri furmaya {DHAGAYSO}

Hargaysa 14.June (SDN) Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa ku booriyay Guud ahaan ardayda Maalinta Beri oo Sabti ah u fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 8aad ee Dugsiyada Dhexe iyo Kuwa 4aad ee Dugsiyada Sare inay ilaaliyaan Habsami u socodka Imtixaanaadka isla markaana ku kalsoonaadaan aqoontii ay barteen.

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka oo Maanta u Waramayay Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com ayaa sheegay in sanadkan Ardayda Fasalada 4aad ee dugsiga sare ee Imtixaanka u fadhiisanaysa ay ka koobantahay 7,279 oo arday, halka Dugsiga dhexe Fasalada sideedaad ay u fadhiisanaayan 12,122 arday, guud ahaan Goboladda Somaliland.

Daa’ud Axmed Faarax, ayaa sidoo kale, sheegay ay ka qayb qaadan doonaan Imtixaanka shahaadiga gobolka Selel oo aan hore uga qayb-geli jirin,iyadoo Arday dugsiyada gobolkaasi dhamastay imtixaanka laga qaadayo,Waxaa kale oo Gudoomiyuhu intaas ku daray In sannadkan ay Imtixaanka u fadhiisan doonaan ardayda baahiyaha Gaarka ah qaba,Sida kuwa Indhaha iyo Gacmaha La’a oo Lugaha kaga Shaqaynaya,Taas oo aan Hore u dhicin ,Isagoo Intaas ku daray in Sannadkan ay Maadada Diinta oo hore loogu bixin jiray 50% Sannadkan lagu bixin doono 100%,Isla markaana ay Sannadkan adeegsanayaan Computer isku Xidhan.

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Qaranka waxaa kale oo uu Sheegay inaanay Sannadkan Jirin Wax qiimayn ah oo qiil looga dhigo ka maqnaanshaha Imtixaanaadka ,isagoo dhamaan ardayda ka qayb qaadanaysa Imtixaanka u rajeeyay  inay Guul ka soo hooyaan Imtixaanka Shahaadiga ah.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/daa’uud.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com