Uncategorized

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Ka Sii dardaar weriyay Natiijada Socdaalka Sadexda Gudoomiye Xisbi ku tageen Kenya DAAWO

fAYSAL CALI WARAABE IYO MUUSE BIIXIHargaysa 20.Oct 2014 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCDI  Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa walaac weyn ka muujiyay waxa ay kala soo kulmi doonaan scdaal ay sadexda Guddoomiye Xisbi Qaran ugu kicitimeen xarunta dalka Kenya ee Nairobi oo ay ku soo wada  hadli doonaan qaadhaan bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ka taageera .

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay socdaalkooda,ayaa sheegay in ay wax badani dhanka Somaliland qabyo ka yihiin isla markaana ay taasi keenayso in ay  waji  gabax kala soo kulmaan qaadhaan bixiye yaasha Somaliland ka taageera doorashooyinka.

 

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay inuu filayay in dhanka Somaliland doorashada laga diyaariyo ka dibna wixii caawimo ah la weydiisto balse ay hadda muuqato inaan Somaliland diyaar ahayn

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com