|

“Haday maanta Somalia isu Imanayso anagaa Keeni karna,Xasanoow “Madaxweynaha Somalia” Waxba adigu ma keeni kartid” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid {DHAGAYSO}

Boorama 30.April (SDN) . Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah ee Ucid ayaa maanta Kormeer ku tagay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu ujeedada Safarkiisa ku sifeeyay inuu la xidhiidho sidii u ogaan lahaa Tabashada ay bulshadu qabaan,Waxaanu xusay inuu u gogol xaadhayo Shir wada Tashi ah oo ay isugu iman doonaan qaybaha bulshada.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid waxaa kale oo uu sheegay inuu taageersan yahay inaan somaliland ka qayb galin Shirka Somalia loogu qabanayo Wadanka Ingiriiska,waxaanu Madaxweynaha dawlada Federaalka Somalia u sheegay in hadii maanta la isu keenayo Somalia in Cida keliya ee isu keeni kartaa ay tahay Somaliland .

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu xusay Sida uu u arko  in Prof Axmed Ismaaciil Samatar uu booqasho ku yimaado Somaliland, waxaanu yidhi “ Waa muwaadin Somalilander ah, waxa uu soo taabtay waxa aan Xamar kaga maqanahay, waanan soo dhawynayaa, sidan si lamid ah ayaan ka yeelaynaa Cali Khaliif Galaydh, balse dhibta haysata Cali ayaa waxa ay tahay isaga oo ay wax kale ugu lamaan yihiin, haddii uu Prof. Samatar Hargaysa ka soo dago oo ay xukuumadu ka gaabiso, anaga ayaa caleemo qoyan ku soo dhawynayna”.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/FaysalUcid30.mp3″]
Boorama SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed