|

“Haddaad Maqashid Siyaasada laga hadli maayo waa Xukuumada waxba laga sheegi maayo, Suldaan Xasan-na Siyaasadda Waa u Fasax, waayo…”Eng. Faysal Cali-waraabe.

Hargaysa:Sep,06,2015(SDN/QJ)-Eng. Faysal Cali-waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,ayaa  ka Hadlay isku milanka siyaasadda iyo arrimaha dhaqanka ee Somaliland haatan ka jira, waxana uu si gaar ah uga Hadlay Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, Suldaan Xasan Sudlaan Cabdilaahi oo uu sheegay inuu kaligii fasax u haysto ka Hadalka arrimaha Siyaasadda.

feyEng. Faysal oo shalay warbaahinta la Hadlay, ayaa Suldaanka ku sheegay inuu Suldaan-nimada,Siyaasada kaga soo horeeyay  isaga oo Tilmaamay inuu yahay Suldaan Siyaasadu fasax u tahay,

Suldaan Xasan ayaa inta Badan Xukuumada Dhaliilay Qaabka ay Wax u hogaaminayso,isaga oo Mucaarad Adagna inta Badan Xukuumada ku Ah.

“Hadaad Maqashid Siyaasada laga hadli maayo waa Xukuumada waxba laga sheegi maayo,Midna waan odhanayaa oo Suldaan Xasan Siyaasada iyo Suldaanimada Siyaasada Ayuu ku soo horeeyay,Markaas isagu Siyaasada waa u fasax inuu ka hadlo Suldaanku.”

Guddoomiye Faysal waxa uu intaas ku daray, ”Lakiin Salaadiinta Kale uma Fasax Aha Culimada ingiriiskuba Siyaasada waa ka mamnuuc,markaas boqorada iyo Salaadiinta siyaasada in ay ku milmaan waa ka Mamnuuc,”Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali waraabe.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed