Hargeysa (Hubaal)- Qaar ka mid ah Salaadiinta, cuqaasha, Culimada iyo Waxgaradka Gobolka Maroodi-jeex ayaa ku baaqay in Tallaabo muuqata oo cad laga qaado ciddii ka dambaysay Weerarkii Agagixisada ahaa ee lagu qaaday Wargeyska Hubaal. Salaadiintan oo maalintii shalay shir jaraa’id oo Ballaadhan ku qabtay Huteel Crown ee Magaalada Hargeysa, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay sharciga horkeento ragga geystay weerarkii dhawaan lagu dhaawacay maareeyaha wargeyska Hubaal Maxamaed Axmed Jaamaca (caloolay), oo isagu si gaar ah badh-tilmaameed ugu ahaa Weerarkaa.
Ugu Horrayn Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada Waaweyn ee Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay inay xukuumadda waajib ku tahay sidii ay sharciga u horkeeni lahayd cid kasta loo Aanaynayo inay fulisay amaba si uun ugu lug lahayd isku daygii dil ee lagula kacay Mareeyaha wargeyska Hubaal, “ Maanta innagoo aan waxba xumaynayn waxa aynu tilmaamaynaa inay xukuumaddu ku qaldantay Wargeyska Hubaal oo arrintaas dawgeedii looga fadhiyo, umana fadhino inaynu madaxweynaha Ammaano, Wallaalayaal waxbadan baa inaga dhexeeya oo Nabad baynu haysanaa, laakiin falkii argagixisada ahaa ee Wargeyska Hubaal ku dhacay wax la qaadan karo ma uu ahayn, Haddii la qaatana Somaliland sidan kusii jiri mayso, waayo wanaag, isu tanaasul, wax wada lahaansho iyo isixtiraam ayeynu halkan ku soo gaadhnay,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Sidoo kale waxa uu sheekhu tilmaamay inay sharci tahay in qofkasta xaq u leeyahay in waxa uu tabanayo uu garsoorka la tago, islamarkaana ay xorriyatul qawlka shacabka reer Somaliland halgan dheer u soo galeen oo aanay qurux badnayn in lays cabudhiyaa, waxana uu yidhi, “Shareecada islaamku waxa ay leedahay dadku way u siman yihiin Hantida iyo Garsoorka, macnaheeduna waa keena ugu aqoonta badan leh iyo keena ugu faqiirsani waa in marka ay gefaan garsoorka si caddaalad ah sharciga loo hor geeyaa.
Xorriyaddu waa middii aynu u soo dagaallanay ee aynu u soo halgannay, arrintii Hubaal ka dhacdayna anigu khudbad dhamaystiran ayaan ka sameeyey, waayo haddii aan maanta la joojin keenna ugu awoodda badan leh ayey berri ku imanaysaaa.” Waxa kale oo uu sheekhu ku nuuxnuuxsaday inaanay marnaba suurto gal ahayn in dhacdadan loo nisbeeyo reer ama cid gaar ah, balse ay tahay arrin si gaar ah loo soo abaabulay, isagoo garsoorkana ugu baaqay inay arrinta hore uga gun gaadhaan maadaama wakhti dheer la sugayey, waxana uu yidhi, “Annagu maanta odhan mayno Beel, waan nidaam jira oo ka dhex samaysmay Somaliland oo u jeeddo gaar ah leh haddii wax laga qaban waayona Somaliland halis bay ku keenaysaa, qofkasta oo waddanka u dhashay oo la dulmiyo oo sidaas oo kale lagu sameeyo waxanu u taaganahay inaanu difaacno oo aanaan ka gaban, arrinkani waa dulmi, Garsoorkana waxan leenahay waar hore arrinta halloo dhameeyo, haddii taas la yeeli waayona waxa ay noqonaysaa in qofku gacantiisa uu sharciga ku fushado oo amnigu khalkhal galo, waxana dhici doonta in sidaas maanta loo tamashlaynayaa ay meesha ka baxdo, xukuumaddana waxan leeyahay, “Karis xun iyaduna ku la”’, arrintaasi wakhtigeedii way dhaaftay, in habeen madaw guri la soo weeraray oo dad lagu laayo maaha wax sahlan, waxanu leenahay dadkii waa idin sugayaa.” Ayuu yidhi Sh. Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Siiro).
Sidoo kale Suldaan Mawliid Cali Sabayse oo isaguna Madashaas ka hadlay, ayaa tilmaamay inaanay wax la qaadi karo ahayn in ciddii lagu aaminay ilaalinta Nabaddu ay qudh-gooyo ku kacdo, waxana uu yidhi, “ kaliya waxa isu keen keenay maxaa laga qabtay dhacdadii lagula kacay Wargeyska Hubaal, arrintaasi waxa ay noqotay in raggii falkaa fulinayey ee loo hayaa ay noqdaan dadkii aynu nabadgelyadeena ku aaminay oo afka inoo soo duubtaan oo qudhgooyo inoola yimaadaan, jananka Bilayska nimankii falkaa geystay gacantaa laga geliyey oo qaarkood wuu hayaa.”
Waxa uu suldaanku sharci darro ku tilmaamay in la dhayalsado oo la soo qaban waayo fuliyayaashii falkii Wargeyska Hubaal lagula kacay, waxana uu xukuumadda ka dalbaday inay falkaas foolxumada badan meel ugu illimo bixiso haddii kale ay masuuliyaddiisa qaadan doonto, waxana uu yidhi, “Marna Somaliland baynu nahay marna beelo ayeynu nahaye, nimankii falka geystay iyo Jananka Bilaysku waa isku Reer ilaa maantana halkii kama uu qaadin, haddii inan kii kalena la soo qaban waayo ciddii ka dambaysayna la sheegi waayo waa sharci darro, Haddii booliskaa xukuumadda dirayskeeda xidhani inay falkaa dooxatada ah fulinayey ay iyadu soo diratayna Ha caddayso Hadii ay reernimo u fulinayeena Ha caddayso, falkaana xukuumaddaanu uga fadhinaa inay jawaab cad ka bixiso ama iyadu ha qaadato ama meel ha u samayso.”
Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadlay weerarka Wargeyska Hubaal, ayaa isna sheegay inay jawaab ay xaqooda ku raadsanayaan qaadi doonaan Haddii Jananka Booliska iyo Wasiirka Arrimaha Guduhu tallaabo lagu qanco ka qaadan waayaan dhacdadaas ay huursanayaan, waxana uu yidhi, “ Nimankii falkaa fuliyey waxa ay ku soo talo galeen inay qudha ka jaraan nimanka xarunta wargeyska ku sugan, kumana uu ekayn labadan nin ee hawsha waday, ciddaasina waa xukuumadda, Godobtaas nalaga galayna meeshii aanu u raacaynay waanu garanaynaa, Haddii ay xukuumaddu arrin cad nasoo hordhigi waydo jawaab waafi ah ayaanu ka bixinaynaa kana gaban mayno, waxana wax lala yaabo noqotay hadalkii uu Duur ku sheegay inuu falkaasi ku kooban yahay labadii nin ee fulinayey, janankuna hadal kaas ku dhaw ayuu ku jawaabay.”
Waxa kale oo uu suldaan Ibraahim farriin cad u diray Jananka Booliska oo uu ku boorriyey inuu gacanta ku soo dhigo cidda loo aanaynayo isku daygaas di lee lagula kacay maareeyaha Wargeyska Hubaal, waxana uu yidhi, “Jananka Booliskana waxan leeyahay adeer fiqi tolkii kama janno tago, labadan nine e aynu mid hayno, Haddii aad inankaa aad Adeerka u tahay soo qaban waydo waxaad noqon doontaa janan aan Somaliland ahayn oo Reer ah, xukuumaddana waxanu leenahay Haddii aad Toddoba cisho Gudahood wax na qanciya ku keeni waydaan Jawaab qurux badan oo haboon ayaanu qaadi doonaa”.
Hadalkan ka soo yeedhay salaadiinta iyo waxgaradka Gob olka Maroodi-jeex ayaa ka dambeeyey weerarkii isku dayga dilka ahaa ee dhamaadkii bishii Afraad ee sanadkana lagula kacay Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamaca oo aan illaa iyo hadda xukuumaddu aanay qaadin wax tallaabo ah oo sharciga lagu horkeenayo ciddii ka dambaysay oo sida laga warqabo dadkii soo abaabulay ay suuqyada Hargeysa iska taxtaxaashayaan, wax tallaabo ahna aan laga qaadin, una muuqdaan qaar ka lib haysa cidda maanta xukunka dalka haysa.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com




