Uncategorized

Hankii Xaabsade Iyo Mansabkiisa Siyaasadeed Ee Maanta U Cuntamay (Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland)

 Garowe 10.Aug 2015 (SDN/QJ)- Axmed Cabdi Xaabsade oo ah siyaasi guur guura dhawr xil oo heer wasiir ahna kasoo qabtay Puntland sidoo kalana Somaliland kasoo qabtay wasaarado kala duwan ayaa wararka laga helayo Garoowe waxay sheegayaan in xiligan loo magacaabayo xil cusub oo uusan hore uga soo qaban maamuladda Puntland iyo Somaliland.

Ha igu Noqon XaabsadeXaabsade ayaa hore xilkan uga soo qabtay dawladii Siyaad Barre hase ahaatee arintan ayaa ku noqonaysa fashil siyaasadeed oo aad u weyn ka dib markii xil kaa ka sareeya uu ka waayey maamulka Puntland.

Xilkan inkasta oo xaqiiqadiisu danbayso ayaa muujinaya natiijada mustaqbal ee siyaasadeed iyo halka ay ku danbaysay,taasoo dhinaca loo saari karo samir la’aanta iyo isbedbedelkii geedi ahaaneed ee uu caadada ka dhigtay.