Uncategorized

Hogaanka Dhaqanka ee Gobolka Awdal Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu Waji Gabax Ku Dhamaaday Kulan Ay Salaadiinta Awdal La Yeesheen Xukuumada DAAWO

Boorama 10.Aug 2015 (SDN/QJ)- Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo manta saxaafada kula hadlay Gudanha Boorama ayaa ka dayriyay xaalada wada shaqayneed ee dambe ee Hogaanka dhaqanka ee Gobolka Awdal iyo Xukuumada Kulmiye gaar ahaan Saraakiisheeda amniga , taasi oo uu tilmaamay in uu mugdi soo kala dhex galay kadib safar ay dhawaan ku tageen salaadiintu magaalada Hargaysa isla markaana ay HUNGO iyo WAJIGABAX kala soo kulmeen kulano ay la qaateen Madaxdaasi.

suldaan abshirUgu Horayan ayaa Sul. Abshir oo ka waramayay waxa uu salka ku hayay safarka ay ku tageen Hargaysa uu yidhi “Waxa aan ka waramayaa safar aan dhawaan ku tagnay Hargaysa oo daaranaa arinta dad reer Boorama dhawaan laga xidhxidhay oo wax aanaan garanayn oo nagu cusub loo nisbeeyay xadhigooda, dhawr suldaan baan ahayn, oo kala ah, Sul. Samatar, Sul. Dhawal, Sul. Saleebaan, iyo aniga oo Sul. Abshir ah, markii aan Hargaysa tagnay arintana dhex galnay waxaan aragnay wax lala yaabo, dadka xidhxidhan wax kiis ah laguma sheegayo, tuhun baan ku haynaa ayaana lana yidhi, gabadh xidhan ayaan ka hadalnay oo la nayidhi walaalkeed oo xamar isku qarxiyay ayaan ku haysanaa, Waxa aan la kulanay Janankii Booliska iyo Wasiirkii Daakhiliga, waxana ay na yidhaaheen wax cad ma hayno ee tuhun ayaan ku haysanaa oo waan haynaynaa uun, dadkaas la hayo qaarkood 3 bilood ayay xidhan yihiin, baadhitaankiisiina wali maanaan dhamaysan oo waan haynaynaa ayay noogu jawaabeen, wax lala yaabo ayaan soo aragnay, waase aduunyo oo wax aad hore u aragtay mar labaadna waad aragtaa ayaa la yidhi oo anigu 80aadkii Hargaysa ayaan joogi jiray, wixii ka socday Hargaysa ayaana manta socda, Tusaale ahaan 1982kii markii ay inamadii UFO u kaceen beelaha dhexe waxa ay sababtu ahayd xaaladii dhaqan ee dawladii jirtay oo dadka cabudhisay, hangash iyo wax ka daran oo qof damiir lahi ka damqadona dalka ku sii daayay, waana tii dhalinyartii UFO ka dagaalantay, wixii wax u eg ayaan manta arkaynaa oo hebel waa la qaaday ayuun baan maqlaynaa.

Intaas ka dib suldaanka ayaa faahfaahiyay arinta wajigabaxa iyo hungada ku noqotay hogaanka dhaqanka ee ay la soo kulmeen, isaga oo ka dayrinaya arintana waxa uu yidhi “ Nimankii aan halkaas ugu tagnay (Jananka Booliska & Wasiir Warancade) ma ay qiimayn magacayagii, ma ay qiimayn miisaankayagii, hungo ayaan kala soo laabanay, waxa ay noo diideen in ay damiin nagu siiyaan, waxa ay naga dhaqaajijeen in ay maxkamada keenaan, Wasiirka Daakhiliguna waa nin aanay cadaaladi ka muuqan oo aan go’aan lahayn, isla markaana aanan haybsan Karin labadii wasiir ee ka horeeyay sababta oo ah isagii aan la xidhiidhnay ee aan ku horaynay ayaa Janan aanan noo soo jeedin noo baryayay, Janankuna waabu na yaraystay, oo ninkii Jananka ahaa ee ka horeeyay ee SAQADHI ahaa AHUN, waxa uu ahaa nin ixtiraam leh oo wax kala garanayaa ayuu ahaa, aniguse ninkaas horba ulama aanan shaqaybn jirin oo  waan filayay Maya iyo Haa labadaba, laakiin salaadiintii gobolka ee marka uu halkan yimaad marwalba ka ag muuqanayay Warancade manta ayay soo quusteen, Wajigabaxna lagala soo laabtay oo uu Warancade Gabadh yar damiinkeed ku aamini waayay”

 

 

Suldaanka oo la hadlaya guubaabinayana dhalinyarada, tusaalane uga soo dheeganayaa Taariikhdii UFO waxa uu yidhi “dhalinta mautacalimiinta ah waxa aan leeyahay nabadiinii wax aan la garanayn ayaa ku socda ee ilaashada, wax duli ahna ha qaadanina, kolka qofkaagii oo aan dhicin lagaa ag qaado oo lagu yidhaa kan UGANDA ka dhacay, kan Xamar ka dhacay ayaa loo xidhayaa waa layaab”

 

Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Dhalinyarooy nabadii waa la soo galay, oo dadkii waa la iibsanayaa oo “Damaankaa la kala iibsadee daaqaya ayaan nahaydii ayaa manta socota”, Magaalooyin hareeraha inaga xigaa in ay isku sanqanayaan ayaad moodaa, dadkiina waa la iibsanayaa ee waxaan idinku celinayaa in aad nabadiina ilaashataan dulina ha qaadanina, maalintii kali ahayd ee ay dhalinyaradu qorikii AK-ga ahaa ay dhagaxa kala hor tageen ayaa la ogaaday in dadku wax iska celin karo”

 

Waxa aan aragnay ee aan halkaas kala soo laabanay waa wax aad u fool xun, odayaashiinii aan nahay, maantana wax alla wax qiimo ah oo aan halkaas (Hargaysa) ku leenahay ma jirto, idinkana ninba maalin uun baa la iibin, hadii aad dulmiga qaadataan oo aad dhimasho diidaan” ayuu yidhi Sul. Abshir.

 

Si kastaba ha ayaatee, arintan ayaa ku soo beegmaysa waqti ay xaalada amniga ee guud ahaan gobolka Awdal laga dayrinayo, salaadiinta oo ahaa lafdhabarta ilaalinta amniguna ay dib uga fiirsanayaan arimahan ugu dambeeyay ee ay Hargaysa kala soo kulmeen iyada oo ay arintana tahay mid si wayn ay dhalinyaradu uga calool xumaatay dhagahana ay kor u taagayaan, isla markaana is waydiinayaan waxa xigi doona.

https://www.youtube.com/watch?v=MvpWGFf4mgw