|

Hargeysa: Hawlwadeenada Wakaalada Korontada oo hawlgal Nadaafadeed fuliyay

Hargeysa 31, July 2012 (SDN)- Hawlwadeenada Wakaalada Korontada ee Hargaysa, ayaa maanta hawlgal nadaafadeed ka fuliyay Masjid-Jaamica weyn ee caasimada.

Maareeyaha Wakaalada Korontada Somaliland Mr. Weli Axmed Xaawo oo horkacayay hawgalkaas, waxa uu warbaahinta u sheegay inay hawlgalkan wadayaan mudada ka hadhsan bisha barakaysan ee Ramadaan.

Maareeyuhu waxa uu balanqaaday inay laambado waawayn ku xidhi doonaan goobaha madow ee Masaajidada u dhow.

Weli Axmed Xaawo Maareeyaha Wakaalada Korontada Somaliland, waxa uu mahadnaq u diray shaqaalaha Wakaalada ee sida wadaniyada leh u fulinaya hawshan danta guud ah.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed