|

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo dhagax-dhigay mashaariic masaajid iyo dugsi waxbarasho lagu dhisayo

Hargeysa 31, July 2012 (SDN)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa maanta dhagaxdhigay Masjid iyo dugsi laga hirgalinayo xarunta degmada Axmed Dhagax ee caasimada Hargaysa.

Wasiirka Awqaafta oo ay wehelinayeen madaxda hay’ada waxbarashada ee Geeska Afrika, waxa uu dhagax-dhigay mashaariicdaas, iyadoo dugsiyo ka kooban yahay afar qaybood oo lagu baran doono Dawaarka, culuunta Kambuyuutarka iyo cunto-karinta.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta sheekh Khaliil Cabdulllaahi Axmed, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay dhismahan la rabo in laga bineeyo goobtii hore loo odhan jiray hanuuninta

ee xaafada Iftin, isla markaana ku talogalku yahay in lagu barto culuunta kala duwan. Wasiirka waxa uu xusay in markii dalka lagu soo noqday sannadkii 1991-kii inuu isagu jiingada saaray dhismahan oo dunsanaa laguna baran jiray qur’aanka kariimka ah.

Wasiirka diinta iyo awqaaftu waxa uu bulshada u soo jeediyay in maadama lagu jiro bishii barakaysnayd ee ramadaan ay xooga saaraan waxyaabaha khayriga ah ee ajarka laga helayo.

Madaxa Mashaariicda ee Hay’ada Geeska Afrika Sh.C.raxmaan Aadan Cige ayaa madashaasi ka sheegay in hay’ad ahaan ay ku hawlan yihiin mashaariicda samo falka ah,waxaanu intaas ku daray inay markiskani uu qayb weyn ka qaadan doono kor u qaadka waxbarashada .

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed