|

Hargeysa: Khasaaraha ka dhashay iska horimaad dhexmaray Dawladda Hoose iyo Ganacsatada yar yar ee Suuqa dhexe + SAWIRRO

Hargeysa, 29, February 2012 (SDN)- Suuqa dhexe ee Caasimadda Hargeysa ayaa saaka waxa ku waaberiistay hawl wadeennada Dawladda Hoose ee Hargeysa, halkaasoo ay ciidamaddu cagta mariyeen ganacsatada yar yar ee ka shaqaysta hareeraha wadada wayn ee halbawlaha u ah magaalada.

Hawlgalka Ciidamada Dawladda Hoose ay ka sameeyeen hareeraha wadada dhexe ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka gadooday dadweynaha danyarta ah ee ku shaqaysta goobahaas.

Sida ay wararku sheegayaan gadoodka daweynaha iyo hawlgalka ciidamadda ayaa sababay iska horimaad labada dhinac dhexmaray, iyadoo la sheegay inuu khasaare ka dhashay, waxaanay wararku intaas ku darayaan in iska horimaadkaasi uu sababay dhaawaca laba qof oo ka mid ah dadweynaha ku ganacsada hareeraha wadada wayn ee dhexmarta suuqa, kuwaasoo xilligan lagu daweynayo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

magacayada dadka ku dhaawacmay hawlgalka Dawladda Hoose ka fulisay suuqa Hargeysa.

1- Cabdi Axmed Aadan

2- Cabdirashiid Maxamed Axmed

WIXII WARAR KA SOO KORDHA KALA SOCO Somalidiasporanews.

SDN, Hargeysa Somaliland

Said8090@gmail.com

Comments are closed