|

Hargeysa Oo Saaka Hilib Lagu Cunayo Iyo Khilaafkii Taagnaa Oo Lasoo Afjaray

Hargeysa:Sep,03,2015(SDN/QJ)-Khilaafkii ka taagnaa Qalista Hilibka lagu cuno Caasimadda Hargeysa, ayaa lasoo gunaanaday, waxana saaka Suuqyada Caasimadda ee Hilibka lagu iibiyaa ku waa Bariisteen Camirnaan iyo Xaalad caadi ah.

dueWasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa  arrinta dhexdhexaadisay, waxana lagu heshiiyey in lacagtii ay Hiliblayaashu ka cabanayeen waxoogaa Hoos loo dhigay, isla-markaana loo ballanqaaday in kor loo qaado Adeegga Loo qabto dadka xoolaha loo qalayo.

Hilibka oo laba Maalmood ka maqnaa Gebi ahaanba Caasimadda Hargeysa, waxana khilaafku ka dhex taagnaa shirkadda Qalista Xoolaha ee Maandeeq oo kor u qaadday Qiimaha cashuurta ay xoolahaas ka qaadi jirtey iyo waliba Hiliblayaasha iska leh Xoolaha la qalayo.

Arrintan ayaa naruuro u ah Dadka danyarta ah ee Qalista Hilibka ka ganacsada oo maalmo kooban xadhig iyo camal la’aani iskugu darsantay, iyo waliba Shacabweynaha Caasimadda oo Hilib La’aani ku dhacday.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed