|

Meydadka Ciidamada Uganda Oo Dul Sabbaynaya Wabiga Shabeelle

Janaale:Sep,03,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan Saddex Meyd oo katirsan Ciidamada AMISOM, ayaa laga helay Wabiga Shabeelle dushiisa sida ay xaqiijiyeen Dadka Deegaankaasi, waxana ciidamadaasi kamid ahaayeen Kuwii Al-shabaabku ku laayeen Xerada janaale.

wqQof kamid ah Dadka ku nool Deegaan lagu magacaabo Gaawirow, oo 5Km u jira Degmada Qoryooley ayaa  qaar kamid ah Warbaahinta u sheegay inay  shalay Galabtii  ku arkeen Meydadka 3 Askari oo Ugaandhees ah Dusha Webiga Shabelle ee mara Deegaankaasi.

Saddexdani Askari ayaa waxa qeyb ka yihiin 50 Askari oo kamid ahaa Ciidankii AMISOM ee ku sugnaa Xerada Janaale ay ku leeyihiin, oo Laba maalmood ka hor ay Al shabaab weerar culus ku qaadeen kuwaasi oo Weerarka kadib la waayay, haddana uu baadi-goobkooda socdo.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed