Hargeysa Sept 03,2012(SDN)-Wasiirka wasaarada Qorshaynta Sacad Cali Shire ayaa abaal marin
shahaado sharaf ku gudoonsiyay hay’adda wadaniga ah ee HAVOYOCO carwadii bandhiga waxqadabadka hay’ada dawliga, maxaliga, caalimaga iyo qaramada midoobay ee lagu qabtay Maansoor Hotel Hargeisa.
Iyadoo halkaasi lagu tibaaxay in HAVOYOCO ay tahay ururka kaliya ee kasoo baxay shaqadii wadaninimo isla markaasina mashaarc kafuliya dhamaan gobolada Somaliland.
HAVOYOCO waxay carwadan ku soo bandhigtay dhamaan waxqabadyadii hay’adda labada sanno ee u danbeeyay iyo qorshe hawleedka labada sanno ee soo socda, waxaanay usoo bandhigtay qaab iskugu jira, qoraal, maqal iyo muqaalba. Waxa amaan gaar ahaaneed loo soo jeeday waxqabadkii ay hay’adu soo bandhigtay iyo ka qaybqaadashadii maalgalinta carwada.
HAVOYOCO waxay fursadan uga faa’idaysatay inay sii xoojiso xidhiidhkii wanaagsanaa ee ay la lahayd hay’ada caalimga, kuwa UN-ta, kuwa maxaliga, kuwa dawladaba iyo bulshada qaybaheeda kale. Waxa halkaasi dadwaynaha lagu daawadsinayay cajalad daawasho ah oo laga soo duubay
mashaariicda ay HAVOYOCO ka fuliso dhamaan gobolada Somaliland.
Hay’adda HAVOYOCO waxa la aasaasay sannadkii 1992 kii bishii August. Waxay ay ha’aydu mudo labaatan sanno ah mashaariic kala duwan oo isugu jira horumarinta, waciyigalinta, waxbarashada, farsamada gacanta,caafimaadka, taakulaynta dadka tabaalaysan iyo mashaariic kale oo horumarineed ka fulinaysay dhamaan gobolada Somaliland. Haatan HAVOYOCO waxay xafiisyo waawayn iyo xarumo tababaro oo qalabaysan ku leedahay magaalooyinka Burco, Boorama iyo Hargeisa.
Sanadkii 2004, HAVOYOCO waxay xafiis kafuratay Ethiopia magaalooyinka Jigjiga iyo Addis Ababa, waxaanay mashaariic horumarineed ka bilawday kilil-ka shanaad ee Ethiopia. Sidoo kale hay’aduu waxay sadex xafiis ku kala leedahay Kenya, United Kingdom iyo United States of America.
HAVOYOCO waxay qaybwayn ka qaadatay dib-udhiska dalka iyadoo mashaariic badan si wadajir ah ula fulinaysay hay’adaha UN (Qaramada midoobay), INGO (Hay’ayadaha caalamiga ah) iyo Kuwa maxaliga ahba.
Mashaariicda ay haatan ha’addu fuliso waxay hoos yimaadaan saddex program:- Pastoral & Agro-pastoral Development Program (Mashruuca Horumarinta Xool-dhaqatada iyo Beeraladay) oo qaablistan:- – Qodista Ceelasha biyaha, Berkedaha iyo Ceelbiyood-ada – Caawinta dadkii abaaruhu ka laayeen xoolaha (Iyadoo adhi iyo geel-ba loo qaybinayo)
– Lacag-aha iyo raashinka loo qaybiyo dadka danyarta abaaruhu saameeyeen
– Biyo-dhaamiska
– Bixinta tababaro caafimaad (Xoolo iyo Dadba)
– Abaabulida bulshida si ay uga hortagi karaan abaaraha iwm
– Qodista beeraha
– Ilaalinta deegaanka
– Tababarka beeralayda siday ula soo bixi lahaayeen dalag fiican una
suuq gayn lahaayeen
– Caawinta dadka danyarta ah ee khataraha abaaruhu saameeyeen
Skills Training and Job Creation Program (Mashruuca tababarka iyo shaqo gaynta): – Barashada Computer-ka, Nijaarada, Tamarta cadceeda (Solar),Korontada, Dhismaha, Dawaarka, maamulka iyo maaraynta, laxaamadda,cunto karinta, waxbarashada dadka waawayn iwm.
– Baridda habka loo qorto codsiyada shaqooyinka
– Shaqo u raadinta ardayda dhamaysta course-ooyinka.
Social Awareness Program: (Mashruuca Wacyigalinta bulshida):
– Wacyigalinta bulshida (Cudurada dilaaga ah sida HIV/AIDs ka,
Malariada iwm) Iyadoo la isticmaalayo barnaamijyada Circus-ka, suugaan
iyo majaajilooyin loogu talo galay
– Ilaalinta xuquuda ciyaalka, dumarka iyo dadka la haybsooco
Waxa intii carwada lagu jiray hay’adda HAVOYOCO mahadnaq balaadhan
usoo jeediyay masuuliyiin badan isugu jira wasiiro, agaasimayaal,
gudoomiyayaal iyo martisharaftii kale ee kasoo qaybgashay carwada.
Ahmed Shaqalle
Hargeysa Somaliland
