Muqdisho:June,20,2015 (SDN/QJ)-Waxa muddo Labaatan sano ku dhaw Hay’adda lacagta adduunka ee IMF, ay soo saartay dhaqdhaqaaqyada dhaqaalaha dalka Somalia, kaas ooh ore u ahaa mid aan jirin ama meel loogu soo hagaago lahayn.
Warbixin ay Hay’addu soo saartay, ayey ku sheegtay Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya sare u kacay 3.7% xilli dalka uu kasoo kabanayo Dagaalka Sokeeye iyo Dowlad La’aanta.
IMF ayaa ku salaysan Warbinteeda Baadhis ay ka samaysay Dhinacyada Wax Soor Saarka Beeraha, Isgaadhsiinta & Dhismooyinka Maalgashiga ah ee ka socda dalka, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Waxaa lagu sheegay Warbixinta in Soomaaliya aanay gaadhin Dalalka Deriskeeda ah, hase yeeshee ay Sanadaha soo socda laga yaabo inay soo gaadho haddii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xoojiso qaadista Canshuuraha, iyadoo Maamulada dalka la sameynayso Siyaasad Lacageed oo lagu wada qanacsanyahay.
IMF waxay sheegtay in Dalka Soomaaliya Dhaqaalahisii ahaa 2013-ka 1.3%, waxaana ay sheegtay inay filayso in 2015 uu ku darsamo 2.7%, taasi oo micnaheedu yahay 6.4% oo Koradh Dhaqaale ah, oo dalka sameeyo Mudo 25 Sano ah.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay inay wali ku tiirsan tahay Deeqaha Dhaqaale ee uu Caalamka siiyo Mudo Sanado ah, iyadoo dalkeeda leeyahay Kheyraad aad u badan oo u baahan in lasoo saaro.
SDN/QJ
