Muqdisho:June,20,2015(SDN/QJ)-Taliyihii Hay’adda Nabad-sugidda Somalia u qaabilsanaa Degmada Afgooye, ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay Weerar jid-gal ahaa oo ciidamada militerigu ugu geysteen Gobolka Shabeelaha hoose.
Liibaan Abuukar Yarow, ayaa habeenimadii xalay dhaawaca ka soo gaadhay weerarkaasi ugu geeriyooday Isbitaalka Degmada Afgooye, markii duhurnimadii shalay loola cararay, si wax looga qabto xaaladiisa caafimadaad.
Kolonyada uu la socday Taliyaha, ayaa waxaa loo galay meel ku dhow deegaanka Muuri. Muuri oo ku taalla duleedka Degmada Afgooye. Weerarka Taliyaha lagu qaaday waxaa kaloo lagu dilay askar ka tirsaneyd ilaaladiisa, iyadoo kuwo kalana lagu dhaawacay.
Ilaa iyo hadda si buuxdo looma garanaayo waxa uu salka ku hayo weerarka ka dhanka ah Taliyaha, waxaase tani ku soo beegmaysaa, iyadoo Militarigu ay ka gadoodsan yihiin mushahar la’aan.
Ciidamada Militariga ee dilay Liibaan Abuukar, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay yihiin, kuwii 2-dii bishan meel ku dhow Muuri ku weeraray gawaadhidii uu la socday Abaan Duulaha Ciidanka Xooga, General C/risaaq Khaliif Cilmi.
Ciidanka Militariga, ayaa xilliyada qaarkood waxay dhac u gaystaan dadka isugu kala goosha wadada xidhiidhisa Degmooyinka Afgooye iyo Marka.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa bishii hore ee May qaylo dhaan ka muujiyay jidgooyada ku soo badanaysa Gobolkaasi. Siidii wuxuu Saraakiisha Militariga uu ku eedeeyay inay iyaga u yaallaan jidgooyooyinka.
SDN/QJ
