|

Heshiisyo ay kala Saxeexdeen Xukuumada Somaliland iyo Dawlada Ingiriisku

Addis ababa 31.May (SDN) Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan ayaa galabta si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Adis-ababa, heshiis ka kooban laba qodob,kaas oo wax-weyn ka tari doona nabadgelyada Somaliland.

Waxaana heshiiskaas goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambaro) oo maalmihii ugu danbeeyeyba ku sugnaa dalkaasi itoobiya.

Waxa kale Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur Shaaciyey inay wax iska bedeleen dhawaaqii dawlada Ingiriisku hore ugu dhawaaqday inay xayirtay in loo socdaalo Somaliland, balse imika ay bilaabmayaan socdaalada diblomaasiyiinta Ingiriisku ku imanayaan Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo sharaxaad ka bixinaya labada heshiis ee ay kala saxeexdeen Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan Waxaanu Xusay inay kala Saxeexdeen Laba Heshiis oo kala ah Tayaynta Shaqaalaha Laanta Socdaalka ee Somaliland,Qalabaynta Goobaha laga Shaqaynayo,Wasiirku Waxa uu Sheegay in dhamaan goobaha  laga soo galo dalka la dhigi doono Qalab lagu baadho Basaboorada been abuurka ah Isla markaana loo qoondeeyay Qalab iyo Gaadiid dhan Lix baabuur.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur waxaa kale oo uu Warkiisa ku sheegay inay kala saxeexdeen oo kale  in Heshiiska labaad uu yahay mid lagu Maal galinayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qeybta baadhista danbiyada ee CID-da, Wasiirku Waxa uu Tilmaamay in Ciidamada Ciidamada danbi baadhista lagu darayo ciidan  baadha danbiyada culus,ee lagu Magacaabo SPU (Special Police Unit), Isla markaana loo dhisi doona xarun cusub oo loogu qalabeyn doono dhamaanba qalabka baadhista danbiyada oo dhan, Kuwaas oo ay ka Mid yihiin kuwa lagu baadho farta oo Casri ah.

Wasiir Duur waxa kale oo sheegay in xarunta cusub ee loo dhisi doono  ciidanka baadhaya danbiyada cul-culus,loo tababari doono Ciidan si gaar ah uga hawl gala oo ka kooban Lixdan qof oo qaadan doona Tababar u gaar ah,iyadoo loo keeni doono sida uu Yidhi Lix baabuur .

Wasiirku Waxa uu Cadeeyay in labadan Heshiis ay qiimo weyn ugu fadhiyaan Qaranka isla markaana ay dabooli doonaan baahi jirtay,Wasiirku waxaa kale oo uu intaas ku daray in Dawlada Ingiriisku ay Wax ka bedel ku samaynayso Dhawaqii hore uga Soo baxay ee ay kaga digaysay dhaq dhaqaaqa Socotada Ingiriiska,isagoo Xusay in dib loo eegay la islana qaatay in Somaliland ay tahay Dal nabdoon oo nabadgalyo ah iyadoo ay haatana Bilaabmayaan dhaqdhaqaaqii iyo isu-socodkii masuuliyiinta iyo diblomaasiyiinta Ingiriiska ee Somaliland.

 

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu sheegay ka hor intii aanay kala saxeexan heshiiska Safiir kuxigeenka  waxa qado-sharaf maamuus sare ah u sameeyey Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia Mr. Greg Dorey.

Heshiiskan uu soo saxeexay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa waxa uu Somaliland ugu fadhiya qiimo weyn.

Addis ababa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed