|

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Galabta dalka Dib ugu Soo Laabtay.

Berbera 31.May (SDN) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Weftigii uu hogaaminayay ee Mudooyinkii u danbeeyay Kormeerka Shaqo ku joogay Wadanka Ingiriiska ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland oo in Mudo ah Socdaal Shaqo ugu Maqnaa Wadanka Ingiiriiska oo ay Shacabka Somaliland kala qayb galeen Xuska Munaasibada 22 Guuradii ka soo Wareegtay Markii ay Somaliland dib ula soo Noqotay Madax banaanideeda Waxaa ku soo dhaweeyay Madaarka Magaalada Berbera Wasiirada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,iyo Kalluumaysiga Mudane C.laahi Jaamac Cismaan Geel Jire,Mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Mid Degmo ee Gobolka Saaxil .

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo qolka Nasashada ee Madaarka Diyaaradaha ee Berbera kula hadlayay Warbaahinta ayaa Sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dib ugu soo laabto dalkiisii hooyo Waxaanu Xusay in Mudadii ay ku Sugnaayeen Wadanka Ingiriiska ay Jaaliyadaha Somaliland ee dalkaasi ku Nool kala qayb qaateen Xuska dabaal dega Munaasibadii 18 May, Mudane Saylici waxa uu amaan u soo Jeediyay Jaaliyada Somaliland ee Uk oo ay ka Muuqatay ayuu yidhi Isku duubni iyo Wada Jir .

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo ka mid ahaa Weftigii ay Wada Socdeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa dhiniciisa tilmaamay Kulamo iyo Shirar ay wada yeesheen Baarlamanka Wadanka Biljamka Waxaanu Yidhi “Biljamku waa dawlad Federaali ah waxaanay Leeyihiin Baarlaman laba Gole ah,Waxaanu la Kulanay Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federaalka ee Biljim waxaanu u bandhignay Qadiyada Qaranimada Somaliland,Dimuquraadiyada ka Hano qaaday Somaliland iyo Horumarka kala duwan ee Wadankani ku talaabsaday Mudadii uu Jiray”.
Wasiirka Qorshaynta Qaranku Waxaa kale oo uu ka hadlay Shir ay kaga Qayb galeen isaga iyo Xubno ka Tirsan Golayaasha Qaranku Wadanka Biljimka waxaanu Yidhi “Waxaa kale oo aanu ka qayb galnay Shir ay soo agaasimeen Urur Dhalinyaro oo ay ku bahoobeen da’yar u dhalatay Somaliland kaas oo ay ka qayb galeen dad faro badan oo aad u danaynayay Somaliland inay Wax ka Ogaadeen,Waxaana halkaas Warbixino ka soo jeediyay Aniga Wasiirka Kalluumaysiga iyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada,Markaas kadib waxaan u Socdaalay Wadanka Sweden ilaa Ingiriiska”.ayuu Yidhi Wasiirka Qorshaynta Qaranku.
Weftiga Madaxweyne Ku xigeenka Waxaa Markaas kadib loo soo Galbiyay Dhinaca Caasimada dalka ee Hargaysa .
Berbera SDN.
Qurbejoog.com

Comments are closed