|

Wiil uu Dhalay Madaxweynaha Suuriya oo ka hadlay Xaalada Dagaal ee Dalkiisa ka taagan Xili uu ka Qayb galayo Tartan Ciyaareed!!

Brazil 21. July 2017 (SDN/QJ):- Xaafid bashaar Al-asad oo uu dhalay madaxweynaha Suuriya oo Dalka Brazil kaga qaybgelya tartanka ciyaaraha ee Junior-da ayaa ka sheekeeyey aragtidiisa ku aaddan waxa dalkooda ka soconaya iyo mustaqbalkiisa cilmiyeed iyo ka xirfadeed.

Xaafid oo ku sugan Magaalada Rio-Dejinerio waxa uu waraysi siiyey koox warfidiyeeno ah oo ka socday GLOBO NEWS waxana uu sheegay in aanu ahayn ciyaartoyga ugu wanaagsan ee kooxda Suuriya u metelaysa tartankaasi oo socon doona tan iyo maalinta sabtida ah ee beri.

Qabanqaabiyayaasha tartankaasi ayaa sheegay in inanka uu dhalay bashaar Al-asad uu illaa khamiistii ku sugnaa wadanka Brasil iyadoo si qarsoodi ah loo ilaalinayo ammaankiisa, isagoo luqadda English-ka oo uu si buuxda ugu hadlayey waraysigiisa ku sheegay inuu yahay mid ka mid ah dhalinayarada Wadankiisa, isla markaana aanu meelna uga baxaynin dalkiisa.

Mar uu ka hadlay colaada ka jirta dalkiisa waxa uu ku sifeeyey inay tahay mid dawladu ku doonayso inay dib gacanteeda ugu soo celiso dhul ay qabsadeen dad ku soo duulay Suuriya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Dhanka kalena Xaafid Bashaar Al-asad waxa uu rajo ka muujiyey in aanu dagaalku haatan ka bacdi sii soconin, inkastoo uu xusay in mushkiladaha noocan oo kale ahi ay u baahan yihiin wakhti dheeraad ah si loo xalliyo.

Comments are closed