Uncategorized

Howlaha uu qabanayo Xafiiska UNSOM ee Soomaaliya qaabilsan oo sharaxaad laga bixiyay

Muqdisho June 02 2013 (SDN)— Warsaxaafadeed lagu faah faahinayo howlaha xafiiska cusub ee qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa maanta la soo saaray.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalkan cusub ee Soomaaliya UNSOM howlaha uu qaban doono ay ka midnoqon doonaa gacan ka gaysashada iyo bixinta taageero siyaasadeed oo lasiiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xafiiska UNSOM ayaa si xoog leh diirada u saaraya ka shaqeynta dhinacyada hormarinta deeqaha caalamka, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo sidoo kale ka hortagida kufsiga loo geysanayo habweenka iyo dhibaatooyinka kale ee dalka ka jira.

UNSOM ayaa sidhaw u la shaqeyn doona Ciidamada Midowga Afrika ee kusagan Soomaaliya kuwaasi oo howla nabad ilaalineed kawada gobolo ka tirsan Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho.

Ergo hor u dhac u aheyd xafiiska UNSOM ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana lafilayaa bari in uu yimaado Ergayga Qarmada Midoobey ee Soomaaliya oo xafiiskaasi hor boodi doona.

SDN-Muqdisho