Uncategorized

Qoraaga weyn fuaad abdi obsiiye buugiisa burburka qoyska +soo bandhigii naadiga wax akhriska ee gaadmaal iyo wacdarihi caasimadda ugandha kampala

(KampalaSDN) Naadiga wax akhriska  ee gaadmaal ayaa waxa uu caasimada dalka ugandha ku soo bandhigay buuga uu qoray qoraaga weyn fuaad abdi obsiiye  kaas oo uu kaga hadlaayo buugan arimo badan uu sabab ah waxyabaha uu ka yimaado burburka qoysku ,buugan oo si aada ay ula dhaceen shacabka somaliland iyo somaliya ee ku dhaqan caasimada dalka ugandha oo ka soo qayb galay madashi uu daahfurku ka dhacay oo ahyd  jamacada weyn kampala interanational university iyado ay ka soo qayb galeeb dad kun kor uu dhafay oo isku jira qaybaha kala duwan ardayda somaliland iyo somaliyaba iyo marti sharaf kale oo badan .

 

 

 

Boogan uu soo bandhigay naadiga wax akhriska ee gaadmaal oo uu guddomiye ka yahay moutafe mohamud abdilaahi (alkhaliili) ayaa waxa halka ka hadlay marka ugu horeysa guddomiyha naadiga wax akhriska gaadmaal Md mustafe oo ka sheekeyey faiida ay leedahay waxa la qora ama la kaydiya iyo kaalinta ay kaga jirto doorka caalmaka ayaa waxa uu yidhi hal ku dhig baa yidha wixi la qora quruuma hadhe midaas hala ogaado ,anaga naadi ahaan waxaanu dhiiri galinayna qoraalada dada yar ama weynba buugaagta ay soo bandhigayan si ay qorayaasha kalana ugu dhiiradan inay sameeyan book kuwan oo kale ah waxaan marka hore naadi ahaan aanu kampala ku soo bandhignay afar book oo hore kana uu yhy mid wllken fuaad abdi obsiiye isoo diyaariyey waxaanu ka hadlaya waxayaabah salka uu aha burburka qoyska waan runti book ama qoraal xirfadaysan waxaan leyehy fuaad umada  somaliyeed afka somaliga ku hadasha waxad ku soo kordhisay waxa weyn oo la tabayey juhdigi iyo waqtigaagi qaaliga haa aad galisay boogan maanta ayaa midhihiisa la goosanaya hanbalyo ayan ku leyhy qora fuaad .

 

Waxa iyana dhankooda halka ka hadlay marti sharaf kale oo badan .

 

Qoraaga boogan burburka qoyska  ayaa isna madasha daahfurka boogisan cuusub ayaa waxa uu madasha daahfurka boogisan cuusn ka jeediyye maraaxilki uu la soo maray boogan ,waxaanu yidhi ninba meel buu qoraalka ka galaaye aniga waxan arkay kaalintan oo ah kalin aad uu mihiim ah in wax laga qoro burburka qoyska ama lamanaha isago waliba buugu aanu qodobkan oo kaliya ahyan lkn uu usoo qaadanayo sababo badan keena burburka qoyska ,waxa kale oo uu halkan uga mahad naqay dhamaan inti gacanta ka gaysata boogan.

 

Dhanka kale qora fuaad absiiye waxa uu si qoto dheer uu sharaxay  in hadii laga faaidaysto qodobada aan ku soo uruuriyey boogan sababaha burburka qoyska waxaanad ka helaysan dhamaan somlailand book shop iyo anago ka howl gali doona sidi uu gaadhi laha umada afsomaliga ku hadasha ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray.

 

 

Bandhigan aya waxa lagu gudoonsiyey  marti sharaf badan oo ka soo qayb gashay  booga sababaha burburka qoyska iyo waliba shabakada SDN  iyana la guddonsiyey dadaalka ay saxafad ahaan ka samayso ugandha kampala iyo aduunka dacaladiisa .

 

Waxaanay ku dhamaatay jawi qurxoon bandhigani

 

 

khadarbitijoor@hotmail.com

 

 

+256791661106

 

 

OFFICE UGANDHA KAMAPALA