|

Idaacada VOA oo Hawada Hargaysa ka Maqan,Madaxa Idaacadaas oo Hargaysa Ku Soo Fool leh iyo Jawaabta Wasiirka Warfaafinta

Hargeysa,September 30,2015(SDN/QJ)-Qaybta Afsoomaaliga ee idaacadda Voice of America( VOA) ayaan laga maqal caasimadda Somaliland ee Hargeysa 24kii saacadood ee u dambeeyey.
VoiceOfAmericaWasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo Kulan Warbaahineed ku Qabtay Xafiiskiisa ayaa Ku Sheegay ka Maqnaanshaha Idaacada VOA ee Mawjada FM arrin la Xidhiidha Cilad ku Timid isla markaana ay rajaynayaan in Injineeradoodu ay hagaajiyaan Wixii Cilad ah, Waxaa kale oo Wasiir Cukuse Qiray in Idaacada VOA Laanteeda Afka Somaligu ay dacaayad ku hayso Mudooyinkii u danbeeyay Somaliland Waxaanu Intaas ku daray inay Xukuumad ahaan Xaq dhawarayaan Heshiiskii ay la Galeen Idaacada VOA .
CUKUSE
Warar Madax bannaan ayaa sheegaya in xukuumadda Somaliland ay damisay qalabki ku rakibnaa Radio Hargeysa ee VOA-da lagaga dhageysan jiray mawjada FM-ta,Hasa Yeeshee Wasiir Cukuse ayaa arrintaas Meesha Ka Saaray.
Dhanka Kale Waxa uu Wasiirku Sheegay in Afartii Fanaan ee Ka Tirsanaa Xidigaha Geeska la sii daayay,Waxaanu hoosta ka Xariiqay in taas aanu Macnaheedu ahayn in Marba Kooxi iska tagi karto Somalia kadibna la sii dayn doono.

Abyarow1Dhanka Kale wararku waxay sheegayaan in Madax VOA Cabdiraxman Yabarow uu ku  soo jeeddo magaalada Hargeysa, isaga wakhti xadirkan ku sugan dalka Djabuuti.

Socdaalka Cabdiraxman Yabarow ayaa tuhuno soo baxayaa ay sheegayaan in uu salka ku hayo  cabashoyin baddan oo shacabka Somaliland ka muujiyeen VOA taasi oo la sheego in warar baddan oo liidi ku ah qaranimada Somaliland isla markana u adeegaya cadawga Somaliland laga siidayo iyo in si fiican wararka Somaliland looga sii dayn idacadaasi sidda wararka kala duwan ee ka dhaca gobolada Somaliland,.

 

 

Comments are closed