|

Wasiirka Warfaafinta oo Ka Hadlay Soo Daynta Fannaaniinta,Dacaayado Idaacada VOA ka Faafisay Somaliland Iyo arrimo Kale DAAWO

CUKUSE
Hargaysa 30.Sep 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa Maanta Saxaafadda uga Jawaabay Su’aalo ku saabsan Xadhigii Qaar ka Mid ah Fannaaniinta Xidigaha Geeska,iyo arrimo kale.
Wasiirka Warfaafinta ayaa Waxa uu sheegay in Afartii Fanaan ee Ka Tirsanaa Xidigaha Geeska la sii daayay,Waxaanu hoosta ka Xariiqay in taas aanu Macnaheedu ahayn in Marba Kooxi iska tagi karto Somalia kadibna la sii dayn doono..
Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelintu Waxaa kale oo uu sheegay in Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia uu Madaxweynaha Somalia ka Codsaday Madaxweyne Siilaanyo is dhexgalka Dhinaca dhaqanka iyo Fanka taas oo uu Wasiirku Cadeeyey in Xukuumada Somaliland diiday.
Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo Wax laga Weydiiyey dacayaado ay Idaacada VOA Laanteeda Afka Somaligu ku samaysay Somaliland.

 

Comments are closed