Uncategorized

Prof Cali Khaliif Galaydh oo Qirtay In Itoobiya laga Masaafuriyay,Wada hadal uu Somaliland la Galayo iyo Jawaabta Gudoomiyaha Ucid {DHAGAYSO}

Washington 10.Nov 2014 (SDN/QJ)- Prof: Cali Khaliif Galaydh oo dhawr bilood ka hor ay Kooxda la baxday Maamulka Khaatumo oo dhawaan Ciidammada Somaliland ka caydhiyeen deegaanno ay gobollada Bariga, gaar ahaan Sool ka joogeen Kooxdaasi, ayaa sheegay inuu wadahadal la furayo Somaliland, hase-yeeshee, aanay haba-yaraatee wadahadli karinba Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Prof Galaydh oo Su’aalo lagu weydiiyay barnaamijka Wicitaanka Dhagaystaha ee Idaacada VOA ayaa sidoo kale sheegay in aanu aqoonsanayn Jiritaanka Xuduudihii Ingiriisku sameeyay Xiligii uu Gumaysanayay Somaliland ,Waxaa kale oo wax lala yaabo ku sifeeyay arrimaha ay Maamul goboleedka Punt land ku haystaan maamulkooda Khaatumo maadaama aanay jirin wax gumaysi ah oo soo wada xukumay.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO BARNAAMIJKAAS OO DHAMAYSTIRAN
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WicitaankadhagaystahaVoa.mp3″]
Washington SDN/QJ

contact@qurbejoog.com