Fotokol:Feb,05,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Kooxda Boko Haram ee ka dagaallanta Waqooyiga Dalka Nigeria, ayaa la sheegayaa inay weerar ku qaadday Magaalo ku taalla Xadadka Dalalka Nigeria iyo Camaron, Halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan 70-Ruux.
Wararka ayaa sheegaya in dadka ay guryaha ugu galeen, kuna laayeen, iyo dad masaajido ku sugnaa, waxaana ay dab qabadsiiyeen guryo badan.
Ciidamada Chad iyo kuwa Cameroon ayaa wada howl gal ka dhan ah Boko Haram, waxaana ay ka saareen magaalada lagu magacaabo Gamboru.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dowladaha Gobolka ay bilaabeen dagaal ka dhan ah Boko Haram.
Dagaalada Boko Haram ka wadaan gudaha Nigeria ayaa waxaa ku dhintay kumanaan ruux lixdii sano ee u dambeeyay.
Midowga Afrika ayaa dhowaan ogolaaday in dowladaha Gobolka ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Boko Haram, waxaana la meel mariyay ciidamo gaadhaya 7.500 askari.
SDN/QJ
