Muqdisho:Feb,05,2015(SDN/QJ)-Xafiisyada Saddexda Masuul ee ugu sarreeya Dawladda Somalia, ayaa Baadhitaano lagu sameeyey sida uu idaacadda BBC-da u sheegay Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa shaaca la qaaday in shaqadooda ay sii xoojin doonaan, waxa uuna tilmaamay in sanadkan 2015-ta uu noqon doono sanadkii isla xisaabtanka iyo dabagalka Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowlada.
Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay in cidii lagu qabtaa musuq iyo wax isdaba marin in la qaban doono oo loogu yeedhi doono Hay’adaha amaanka si maxkamad loo soo taago looguna qaado dambiyada loo heysto.
Dr. Nuur Faarax Jimcaale , ayaa sheegay in baaris guud ku sameeyeen Xafiisyada Sadaxda Masuul ee dalka ugu sareysa ee kala ah Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheeh Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo xafiiska R/Wasaaraha.
Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ayaa shaaca ka qaaday In sanadkan uu wax badan ka badalnaan doono sanadkii hore , waxa uuna cadeeyay in ay jiri doonaan isla xisaabtan dhab ah, cidii lagu helo musuq maasuq iyo xisaab is daba marina sharciga la horgeyn doono.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
