Uncategorized

Kooxaha Gooni u goosadka Ukraine oo dhegaha ka fureystay madaxweyne Putin

Moscow May 03,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha dalka Ruushka oo taageero ciidan iyo mid dhaqaaleba ku gacan qabanayay kooxaha gooni goosadka ah ee dalka Ukraine ayaa haatan dhegaha ka fureystay dalb uu u jeediyay oo lagu dejinayo xiisada dalkaasi ka aloosan.

Ruushka ayaa reer galbeedka kala kulmay culeys dhaqaale iyo mid ciidanba ka dib kolkii uu faro gelin ciidan ku sameeyay dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa kooxaha gooni u goosadka ugu baaqay in ay joojiyaan cod ay sheegeen in ay u qaadayaan madax banaanida degaanada bariga ee Ukraine khaasatan Donetsk iyo Luhansk.

Dawlada Ukraine ayaa sheegeysa in ay madaxweynaha Ruushku munaafaqad ka tahay sheegashada in uu ciidamadiisii ka daad gureeyay xadka Ukraine isla markaana uu faray kooxaha gooni u goosadka ah in ay ka noqdaan aftida madaxbanaanidooda.

Kooxaha gooni u goosadka bariga Ukraine ayaa ku gacan seyray dalbaadka Ruushka uga imanaya ee joojinta u codeynta madaxbanaanidooda.

SDN-/QJ-Moscow

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com