Uncategorized

Mareykanka oo ka muquurtay in uu hubeeyo mucaaridka Syria

Washington May 03, 2014(SDN/QJ)-Madaxa mucaaridka dalka Syraia Axmed Al-Jarba  ayaa booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Mareykanka isla markaana xod xodanaya kaalmo ciidan oo ay isaga caabiyaan ciidamada dalka Syria oo ay sadex sanadood la dagaalamayeen.

Dawlada Mareykanka ayaa mudo badan taageero feejignaan ku dheehan tahay la garabtaagneyd mucaaridka Syria.

Halka Dawlada Ruushku taageero xad dhaaf ah siineysay dawlada Bashaar Al Asad ee caalamka dhanka wada maray.

Madaxa mucaaridka Syria Axmed Al-Jarba ayaa dawlada Mareykanka ka dalbaday hub culus oo ay isaga caabiyaan ciidamada duyuuradaha Syria ee duqeynta ku curyaamiyay mucaaridka.

Dawlada Mareykanka ayaase dalabkaasi ka muquuratay ka dib walaac dheeri ah oo ay ka qabto in hubkoodu ku danbeeyo gacanta meliishaadka Islamiyiinta ah ee Mucaaridka ka garab dagaalama.

Mareykanka ayaa mucaaridka ugu deeqay $27 million oo ka kooban gargaar aan aheyn mid ciidan.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com