Uncategorized

Kooxihii Ka Soo Horjeeday Axmed Madoobe Oo Ku Dhaqaaqay Abaabul Dagaal Oo Ka Dhan ah Maamulkii Shalay La Dhisay iyo Xukuumadda Somalia Oo Dusha Ka Daawanaysa.

Kismayo:21-Jan-2014(SDN)-Maalin ka dib markii la sheegay in Maamulkii Jubba land la dhisay loona cumaamaday Madaxweynenimada Axmed Madoobe, ayaa waxa soo Baxay Warar dhiilo leh oo ay wadaan Kooxaha ka soo horjeeda Maamulkiisa oo muddo horeba dagaal la galay.

iftiin baastoKooxaha  oo dhawaan qaarkood warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay waxba kala soconin dhaqanka uu Axmed madoobe wado ee uu maamulka isaga gaarka u ah ku dhisanayo, maadaama Hore la iskug ogaa in wax loo wada Dhan yahay la sameeyo si khilaafka meesha looga saaro.

Waxa ay kooxahan oo qaarkood magaalada Muqdisho ku sugan yihiin warbaahinta u sheegeen inaanay aqbali karin Hannaanka ay xukuumadda Xasan sheekh taageersan tahay ee Maamulka Kismayo loogu cumaamadayo Axmed Madoobe sida Haatanba dhacday.

 

Axmed Madoobe ayaa  isagu Maamulkiisa gacantiisa ku samaystay, waxana uu magacaabay Wasiirro iyo xukuumad  Golayaal shamaystiran oo uu isagu madaxweyne ka yahay, isaga oo aan wax talo ah weydiinin kooxaha ka soo horjeeda.

Iyadoo middaas ay mucaaradsanaayeen qolyahani ayuu haddana isku caleemo-saaray magaalada Kismaayo oo shalay lagu qabtay xaflad ballaadhan oo ay ka qeyb galeen madax kala duwan.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in Barre adan Shire(Barre Hiiraale), Iftiin Xasan Baasto iyo Cumar Buraale Axmed ay qorsheynayaan inay la dagaalamaan hoggaamiyaha maamulka KMG ee Axmed Maxamed Islaam oo ay ku eedeeyeen inuu qaadacay wax badan oo hore la iskugu ogaa in laga wada Hadlo oo meel la isla Dhigo.

 

Abaabulkani oo ka soconaya meelo kamid ah Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegaya in sababta ku kaliftay Barre Hiiraale inuu qaato go’aanka ah dagaal magaalada lagu qaado ayaa lagu sheegay kadib markii loo dulqaadan waayay hadallada ismaandhaafsan ee dowladda iyo maamulka Jubba.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu sameyn qorshe fiican oo dhinacyada wax kala tabanaya ay isugu soo dhowaan karayaan hayeeshee waxaad mooddaa iminka in xaalku uu sidii hore ka duwan yahay maadaama masuuliyiin ka socota beesha caalamku ay tageen Kismaayo kana qeyb galeen xafladda caleemo-saarka, kuwaas oo loo sheegay in dhamaan dadka  jubba isku raacsan yihiin Dhismaha Dawladda uu madaxda ka yahay Axmed Madoobe.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com