Uncategorized

Qaramada Midoobay Oo Ku Dhawaaqday Inay Dawladda Iiraan Ka Reebtay Ka Qaybgalka Shirka Geneva Uga Furmaya Kooxaha Reer Siria

Geneva:21-Jan-2014(SDN)-Qaramada midoobay ayaa Sheegtay inay Ka Noqotay Casuumad ay hore Dawladda Iiran ugu fidisay inay kaga Qayb gasho Shirka Toddobaadka soo socda Kooxaha Siria isku haya uga Furmaya Waddanka Swizerland.

 

spokespersonAfhayeenka Qaramada Midoobay Martin Nesirky ayaa cambaareeyay in dowlada Iran ay qaadacdo ka qeyb qaadashada qorshaha dowlada KMG ee dalka Syria, kaasi oo la doonayo in lagu hergeliyo shirkaasi.

 

Casuumaada dowlada Iran ee shirka Geneva ayaa waxaa ka cadhooday Dawladaha ka soo horjeeda dowlada Syria, sida dowlada Mareykanka iyo wadamada reer galbeedka ee taageera kooxaha mucaaradka.

 

Maalinamada berito ah ayaa la filayaa in wadahalada nabadeed ay ka bilowdaan magaalada Geneva, waana dadaalkii ugu weynaa oo diblumaasiyiin ay ku doonayaan inay ku dhameeyaan dagaalada dalka Syria.

 

Dowlada Syria iyo kooxda ugu weyn mucaaradka dalkaasi oo dibad joog ah ayaa la qorsheynayaa inay halkaasi wufuud u kala dirsadaan si ay shirka uga qeyb galaan, kaasi oo ka dhacaya magaalada Montreux ee dalka Swiss.

 

Golaha isbahaysiga qaranka ayaa ku hanjabay maalinamadii shalay inay shirka ka baxayaan haddii dowlada Iran ay ka qeyb galayso, iyagoo ku eedeynaya inay taageertay dowlada Bishaar Al Assad.

 

Madaxa Shaqaalaha ee isbahaysiga mucaaradka Syria Monzer Akbik, ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin inay shirka iskaga baxaan haddii wafdiga dowlada Iran ay ka qeyb galayaan.

 

Afhayeenka qaramada midoobay ayaa sheegay in Ban ki-moon uu casuumay Iran markii uu la hadlay kadib masuuliyiin Irani ah,kuwaasi oo uu sheegay inay ka doonayeen taageerada ujeedada laga leeyahay shirkaasi.

 

Laakiin dowlada Iran ayaa soo saartay Isniintii shalay warsaxaafadeedyo ay ku sheegayso inaysan ka qeyb galaynin shirkaasi ka dhacaya dalka Swiss.

Ka Reebista qaramada midoobay ee shirkan ayaa laf jab ku ah Geeddi-socodka iyo ka Midho dhalinta Dedaalka la doonayo in nabad lagaga abuuro dalka Siria oo ay lug weyn ku leedahay, waxana ay dawladdo badani aaminsan yihiin inaanay dedaaladaasi natiijo keeni kariin Iiraan La’aanteed.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com