|

Kulan Hawleed lagu Gorfaynayo Adeegyada Dawladaha Hoose oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 30.Nov 2013 (SDN)- Shir lagaga hadlaayay  adeegayada bulashada iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa dawladaha hoose ayaa maanta ka furmay huteelka maansoor ee  Magaalada Hargaysa.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen hawlwadeeno ka kala socday dawladaha hoose ee magaalooyinka burco , boorama , hargaysa , wasaarada xanaanada xoolaha iyo iskaashatada hilibka ee nafaqo hargaysa .

Xildhibaan Saleebaan Daahir DogoxWaxa shirkaas oo socon doona mudo sedex maalmood ah ka hadlay furitaankiisii  Gudoomiyaha arimaha bulshada ee golaha deegaanka ee caasimada hargaysa  xildhibaan saleebaan daahir kaas oo sheegay in ujeedada kualnkani uu yahay mid lagu baranayo  sidii loo ilaalin lahaa hantida dawlada iyo adeegayada danaha guud ee bulshada waxaanu intaa ku daray in muhiimada kualanki noqon doono sidii iskaashi ay u wada yeelan lahaayeen waaxyaha ay dantu ka dhaxayso sida iskaashatooyibka hilibka , wasaarada xanaanada xoolaha iyo dawladaha hoose.

Waxaana gudoomiyuhu uu gabagabdii sheegay in looo baahan yahay in maamul daadajin la sameeyo si dawladaha hoose uu uga yaraado culasyku isalmarkaa ay iyagu si madax banaan ay isu maamulaan sida shirkada ka shaqeeya qashinka oo hawshooda aan iyan dib u eegi doono.

Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay gudoomiyaha iskaashatada nafaqo md maxamuud xasan cali gurey  kaas oo sheegay in dawlada hoose iyo iskaashadu ay leeyihiin wada shaqayn buuxda sidaa daraadeed loo baahan yahay ugu horeyn in dawladaha hoose ay dusha ka maamulaan sariibadaha hilibka , halka iskaashatooyinkana looga baahan yahay in ay si fiican ula shaqeeyaan maamulada dawladaha hoose maadaama ay yihiin cashuur bixiyeyaal.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed