|

Madaxda Wargayska Hubaal oo ku dhaleeceeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland inuu Mas’uul ka Yahay Sii daynta Askarigii Xaruntooda ku soo Weeraray {DHAGAYSO}

Hargaysa 30.Nov 2013 (SDN)- Maamulka Wargayska Hubaal oo ka mid ah Warsidayaasha Madaxa Banaan ee ka soo baxa Caasimada dalka ee Hargaysa isla markaana dhibane u ah fal fool xun oo Xubno ka tirsan Ciidanka Boolisku kula kaceen,oo ahaa isku day dil ayaa Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Hargaysa waxay ku sheegeen in ilaa iyo haatan aan waxba laga qaban Gabood falka loo gaystay .

hubaal3Maareeyaha Wargayska Hubaal Maxamed Calooleey iyo Tifaftiraha Guud ee Wargayskaas Xasan Xuseen Keefkeef ayaa sheegay in ninkii falkan gaystay oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska kuna xidhnaa Xabsiga dhexe la sii daayay waxaanay intaas ku dareen inaanay kiiskooda ka hadhi doonin ee ay ka sii wadayaan Maxkamadaha Awooda sharci u leh.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso Hadaladii Maamulka Wargayska Hubaal
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Hubaaal30.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed